Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukunka waayeelkii Soomaaliya loogu dilay dhaxal aan lagu lahayn

Recommended Posts

Deeq A.   
391703836_788610443305564_88105504290795

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa October 19-keedii u baxay dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley lagu dilay Number 50 beertiisa xilli habeen ah.

Muuse iyo Cumar ayaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxa ayna marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen $17,300 oo dollarka maraykanka ah.

Cali Cumar oo marxuumka aabihiis mar qabi jiray hooyadiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf.

Muuse Cali Nuur oo hore abaal marin ugu helay dilka Shabaab uu si gaar ah u ugaarsaday ayuu isticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa, waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo marxuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishii February ee sanadkaan in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas.

Fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa laba iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed dil toogasho ah.

Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan kadib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada Saddexdii bishaan.

Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn shalay ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

The post Xukunka waayeelkii Soomaaliya loogu dilay dhaxal aan lagu lahayn appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this