Sign in to follow this  
Jumatatu

Ministers Rebuke President's Decision..!

Recommended Posts

Jumatatu   

War saxaafaded ay soo saareen 12 wasiir oo uu ka mid yahay Xuseen Caydiid oo lagu cambaareynayo wareegtada madaxweynaha ayaa dhawaan laga soo saaray magaalada Nayroobi. Ruunkinet 20/03/05

Warsaxaafadeed lagu naqdinayo wareegta uu maanta soo saaray madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa goor dhaweed laga soo saaaray magaalada Nayroobi.

 

Waregtadan oo ay ku saxiixnaayeen 12 wasiir oo ay ka mid yihiin labada ra'isul wasaare ku xigeen Xussen Caydiid iyo Sifir ayaa waxaa ka mid ahaa Salaax Cali Faarax, Qanyare, Caato, Ibraahin Xabeen, Maxamud Salaad, Cumar Finish, Muuse Suudi iyo qaar kale ayaa si weyn lagu cambaareeyay wareegta uu maanta soo saaray madaxweynaha Soomaaliya Col. Cabdullahi Yuusuf Axmed.

 

Madaxweynaha ayaa ku amray mudanayaasha baarlamaanka in ay si dhaqsi ah uga laabtaan go'aankii ay dhawaan gaareen ee uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka.

 

Qoraalkan ay soo saareen labada ra'isul wasaare ku xigeen a iyo wasiirada kale ayay ku sheegeen in ay taageersan yihiin go'aankii ay dhawaan soo saareen inta badan golaha baarlamaanka ee ka dhacay Gran Regency Hotel ee magaalada Nayroobi.

 

 

There is that Aidiid Jr. guy playing musical chairs again or does he just simply want to iritate Duke and co.... :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Cabdullahi Yuusuf iyo dowladda Itoobiya oo war cad ka soo saaray go'aankii ay dhawaan gaareen inta badan xildhibaannada Soomaalida. Ruunkinet 20/03/05

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wareegto ka soo saaray maanta go'aankii ay gaareen golaha baalamaanka dhawaan.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa maanta soo saaray wareegto uu kun amrayo golaha baarlamaanka in ay si deg deg ah uga laabtaan g'aankii ay dhawaan gaareen oo ku baaqayay in ciidamada safka hore aysan ku soo biirin ciidamada la keenayo Soomaaliya.

 

Madaxweynaha oo si weyn u canaantay guddoomiyaha iyo inta la qabto fikraddiisa ayaa qoralkiisa ku sheegay in uu talaabo ka qaadi doono haddii aysan dib uga laaban go'aankooda.

 

Dhinaca kale, dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay dan weyn ka leedahay Soomaaliya ayna diyaar u tahay in ay si dhaqsi ah ugu soo biirto ciidamada ka keenaya Soomaaliya.

 

Arrintan ayaa laga yaabaa in ay soo dedejiso burburka dowladda madaxweynaha ka yahay Col.Cabdullahi Yuusuf oo aan weli sal dhigan Soomaliya taasna ay keento dagaal sokeeyo oo cusub.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la filayaa in uu maanta qoraal arrinta madaxweynaha ku saabsan ka soo saaro

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo go’aankii baarlamaanku ku gaaray in ciidamada dowladaha safka hore aan la keenin dalka oo lagu qabtay garoonka Istadiyo Muqdisho

 

Banaanbax ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen ururada bulshada rayidka, dadweyne ka socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, ciidamada qalabka sida, qaar ka tirsan ardayda dugsiyada gobolka Banaadir, dallada culumadda Soomaaliyeed & mas’uuliyiin kala duwan ayaa saaka leysugu soo baxay garoonka weyn ee Istadiyo Muqdisho

Anagu cid aan ka soo horjeedno oo aan la coleysanahay ma jirto oo aan aheyn nimankaas iyaga ah oo ay Hawassa ay hogaamineyso, inta kale ee Afrikaan-ka ah waa walaalaheen waana soo dhoweyneynaa, laakiin Itoobiya maya, umana ogolin wadankeena in ay timaado, Itoobiya laftigeeda marka aanu ka heshiino waxyaabaha ina dhexyaala dowlad deris ah weeye†ayuu yiri Cali Xaaji Yuusuf oo ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee dallada culumadda Soomaaliyeed.

Dadka halkan isugu yimid waxey taageersan yihiin dowladooda habka wadaag ah lagu dhisay ee 4.5, waxeyna diidan yihiin in Soomaaliya laga dhigo kilil-ka 6-aad, C/llaahi Yuusuf-na madaxweynahoodii in ay yihiin waa ogyihiin ee waxey ugu baaqayaan in uusan noqon madaxweynaha kilil-ka 6-aad oo haddii shalay iyaga oo qabqablayaal ah ay taageeri jirtay maanta in iyaga oo Qaran ah ay la hadlaan ee aysan Qaranka & Calanka Soomaaliyeed hoos geyn†ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo sheegay in aysan dhici karin in Itoobiya sida gobol ay leedahay oo kale ay Soomaaliya u soo gasho.

 

 

“Waxaan ka xunahahay in dowladda Kenya caasimadeedu ay noqotay caasimadii labaad ee Puntland oo qofkii diidan C/llaahi Yuusuf lagu xiro, wax looga fadhiyeyna ma ahan, nimanka la xirayna haddii la xirayana 3 sano bey beesha joogeen†ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo sheegay in aysan jirin magaalo laga diidan yahay dowladda, balse dowladu ay diidan tahay shacabkeeda

 

 

“Waxaan taageereynaa dhammaanteen oo aan qoraxda u nimid go’aankii baarlamaanka Soomaaliyeed uu ku diiday 17/03/2005 in dalka Soomaaliya ay soo galaan ciidamada dowladaha deriska aan nahay, weliba dowladda Itoobiya ciidamadooda diidmada ay diideen waan ugu hambalyeynayaa waana go’aan Soomaaliyeed oo wadaniyad ku dhisan, maxaa yeelay waa naqaanaa dowladda Itoobiya muraadka ay leedahayna waan garaneynaa, dhulkayaga ayeyna damac ka qabtaa oo in ay qeyb-qeybiso ayey dooneysaa oo ay qaar qaadato, waxeyna isi siisay oo weligeedna ay daba taagneyd dhulkan la yiraa Jubba-land oo waxey rabtaa dekadda Kismaayo oo ay dooneysaa in ay uga baxdo go’doonka ay badaha ka tahay marka haddii go’aankaas ay is hortaageen aad ayey xildhibaanadu u mahadsan yihiin†ayuu yiri Janeraal Galaal oo sheegay in ay si weyn uga soo horjeedaan ciidamada dowladaha safka hore in ay Soomaaliya soo galaan.

 

 

“Waxaan maqlaa maalmahan dad madax ah oo leh Itoobiya ma ahan Itoobiyadii hore, madaxda hadda ahna ma ahan madaxdii hore oo waa ka duwan tahay waana dad walaalo ah, hadde deris ahaan deris waa nahay walaalana waa nahay, laakiin damac xun oo isticmaar ayey ilaa 5 qarni qabeen†ayuu yiri Janeraal Galaal oo sheegay in ay aad uga xun yihiin xariga loo geystay xildhibaanada baarlamaanka ee uu ku jiray, wuxuuna si weyn ugu mahadceliyey guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan & wasiirka amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax.

 

 

“Ummadda Soomaaliyeed yaanan waxba loo maldahin Itoobiya ujeedadeedu waxey tahay in ay dalka kala goyso qaarna qaadato, nimankii guddiga xaqiiqa raadinta ahaa ee meelaha marmaray ee laga soo xiray C/llaahi Sheekh Xasan, nimankaasu waxey wadeen qorshe ay Itoobiya soo qortay oo dalka lagu kala qeyb-qeybinayo waana kaasaa map-kii ay soo qortay’ ayuu yiri Jen. Galaal oo dadkii banaanbaxaasi ka soo qeybgalay u sharaxay kaarto uu sheegay in ay wateen guddigii xaqiiqa raadinta ee ka socday IGAD, Midowga Afrika & dowladda federaalka, wuxuuna Galaal sheegay in dowladaha Mareykan-ka & Talyaaniga ay si weyn uga soo horjeedaan qorshaha dowladda Itoobiya.

 

 

Banaanbaxan ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin fara badan oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Banaadir & duqa magaalada Muqdisho C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) & Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye), Dr. Ibraahim Dusuqi oo ku hadlayey magaca ururada bulshada rayidka.

 

"Jaamacadda Carabta waan ka baxeynaa haddii aysan naga dhicin bahalada na kala boobaya, haddii aysan maanta inoo hiilin Jaamacadda Carabta waxaa shaki geli doona carabnimadayada" ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) oo ugu baaqay dowladaha Islaamka ah in ay garab istaagaan xaalada adag ee ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed.

 

Sawiradii banaanbaxayaasha

Muhadaraad1.gif

Mudahaard.gif

Mudahaar2.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this