Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Goboka Banaadir oo Booqday Taliska Booliiska Ilaalada Magaalada Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, asigoona halkaasi salaan sharaf kaga qaatay Cutubyo kala gedisan oo ka tirsan Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar G/sare Maxamed Carabow Cali iyo Taliyaha Howlgelinta Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar Gaashaanle Sharmaarke Caddow Tuuryare, iyagoona Duqa Muqdisho ku wareejiyay galka cutubyada cusub ee dhawaan kusoo biiray Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay qeybaha kala gedisan ee Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar iyo Saraakiishooda in ay dar-dargeliyaan shaqooyinka Dowladda Hoose ee Xamar oo ay ugu horeyso Dakhli aruurinta, Nadaafada & Bilic soo celinta Caasimadda, ilaalinta Anshaxa iyo adeegyada kale oo ay ugu fadhiyaan Bulshada Caasimadda Muqdisho.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this