Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo soo qabatay ninkii ugu halista badnaa Al-Shabaab, soona bandhigtay xogtiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
Zakariye-sakariye-kamaal-suufi.jpg?fit=1

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ War ka soo baxay Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigtay ninkii ugu muhiimsanaaย  Al-Shabaab ee dibadda uga soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.

Ninkaas waxaa lagu magacaabaa Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) NISA waxay sheegtay in muddo ay ku daba-joogtay, balse hadda lagu guuleystay in lasoo qabto.

Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, sida lagu sheegay qarkaan waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hayโ€™addu gacanta kusoo dhigto.
Zakariye waxaa la qabtay xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo deegaano ay Shabaab ka joogaan dalka, isagoo ka baxsanaya heyโ€™adaha ammaanka muddo dheer dabagal ku haayey.
โ€œSakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hayโ€™adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,โ€ ayaa lagu yiri warka NISA.
Qoraalka heyโ€™adda waxaa lagu sheegay in ninkan dhawaan loo gudbin doono Hayโ€™adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa.
โ€œHayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka goโ€™an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaataynta iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed,โ€ ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka ay NISA ku shaacisay soo qabashada ninkaan.
May be an image of 1 person and beard
The post NISA oo soo qabatay ninkii ugu halista badnaa Al-Shabaab, soona bandhigtay xogtiisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this