Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo tababar u soo xidhay Bahda Garsoorka.

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20230920-WA0005-300x200.jpg

IMG-20230920-WA0006-300x200.jpg
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo tababar u soo xidhay Bahda Garsoorka.

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Siciid Yuusuf Cabdi, Taliyaha Qaybta Cashuuraha ee Ciidanka Booliska JSL Cismaan Xaashi Daahir iyo madaxa waaxda tababarada ee Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin ayaa maanta tababar u soo xidhay 50 xubnood oo iskugu jira Guddoomiyayaal, Garsoorayaal, ku-xigeenno xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka, saraakiil ka socday Ciidanka Booliska iyo xubno ka tirsan guddida ka garnaqista dacwadaha cashuuraha ee wasaaradda maaliyadda.

Tababarkan oo socday muddo shan cisho ah ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay sida loo xoojin karo hirgalinta xeerarka maaliyadda ee dib-u-habaynta iyo kaabista lagu sameeyay, waxaana muddadii uu socday lagu lafa-guray duruus kala duwan oo la xidhiidha xeerarkaasi iyo axkaamta la xidhiidha ee Shareecadda Islaamka.

Xubnaha ka qayb galay tababarka ayaa geestooda is waydaarsaday khibradahooda la xidhiidha hay’adaha ay kala matalayeen, waxaanay kala faa’iideen qodobo door ah oo kaalin mug leh kaga jira habsami u socodka dacwadaha la xidhiidha cashuuraha.

Ugu horayn Taliyaha Qaybta Cashuuraha ee Ciidanka Booliska JSL Cismaan Xaashi Daahir iyo Ku xigeenka Xeer-ilaaiyaha Guud ee Qaranka Siciid Yuusuf Cabdi ayaa dhankooda xusay ahmiyada uu tababarkani u lahaa xubnaha ka soo qayb galay, waxaanay hoosta ka xarriiqeen doorka shariifka ah ee uu ka qaadan doono shaqo maal meedkooda.

Geesta kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa tibaaxay in tababarada ay ku kulmaan khuburadan oo kale ay hoggaamiyaan horumarka qaybihiisa kala duwan, waxaanu tibaaxay in aaraa’da ay soo jeediyeen xubnaha tababarka waddagayayna laga shaqayn doono sidii loo sixi lahaa.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa ka waramay maraaxilkii xeerarkani soo mareen iyo halka ay maanta taagan yihiin, waxaanu khuburadii iyo xubnihii tababarka ka soo qaybgalay ku bogaadiyay sidii qiimaha lahayd ee ay aqoon-is-waydaarsiga uga qayb qaateen.

Guddoomiyaha ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in khuburo ka kala socda hay’adaha dawladdu ay muddo saacado ah shan maalmood lafa-gur ku sameeyaan hirgalinta xeerarka maaliyada, isla markaana talo bixin ka sameeyaan dhinacyada ay ka dareemeen goldaloolooyinka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali ayaa sidoo kale xusay in baryahan danbe awoodda la saarayay tababarada iyo aqoon-is-waydaarsiyada takhasuska ah, kuwaasi oo diirada lagu saarayay hadba cilmiga “maadada” u baahan in laga sal-gaadho.

Waxaanu Guddoomiyuhu xubnihii ka soo qayb galay ku booriyay in ay waaxda tababarada u soo gudbiyaan dhinacyada ay u baahanyihiin in takhasusyo dheeraad ah laga sameeyo, si tababaradan oo kale gobolada dalkana looga fulliyo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this