Sign in to follow this  
Juje

Wax Badso Wax Beel Ayey Leedahay!

Recommended Posts

Juje   

Xildhibaannada Baarlamaanka oo ka soo horjeestay Qodob ka mid ah Qodobadii ay ku soo heshiiyeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde

Kalfadhi Maanta Baarlamaanka DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya ku yeeshay xarunta uu ku leeyahey Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, ayuu ajandihiisu ahaa cod u qaadida xubnihii wasiirada ee xukuumada Nuur Cadde horey isaga casiley.

 

 

 

Kalfadhiga Maanta, waxaa soo xaadirey 190 Xubnood oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka KMG ah, dood iyo falan qeyn ka dib waxay isla garteen xubnihii soo xaadirey kal fadhiga in codka kal soonida ee ka sii mid noqoshada Xukuumada loo qaado xunaha wasiirada ee xukuumada Nuur Cadde horey isaga casily.

 

 

 

175 Xubnood waxa ay u codeeyeen in xilalka ay weynayaan xubnihii Wasiirada ee horey isu casiley, halka 15 xubnoodna arintaas ka soo horjeesteen oo ka codeeyeen.

 

 

 

Intii kal fadhigu socdey waxaa jirey mooshin cusub oo xubnaha qaar ee Baarlamaanku soo gudbiyeen, kaas oo ay ku dalbanayeen xubnihii soo gudbiyay in xubnihii wasiirada ee is casiley xilalka laga qaado.

 

 

 

Xubnaha wasiirada ee xilalkooda waadey ayaa isugu jirey wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno oo ka koobnaa 10 wasiir iyo 3 wasiir ku xigeen.

 

 

 

4 ka mid ah xubnaha wasiirada ee xilalkooda waayey ayaa ka mid ah xubnihii wasiirada ee dibada Baarlamaanka laga keenay.

 

 

 

Kal sooni kala laabashada xubanaha wasiirada ee horey isaga casilay xukuumada Nuur Cadde ee Baarlamaanka KMG ah maanta ku dhawaaqeen ayaa wax weyn u dhimi doonta heshiiskii dhawaan Nuur Cadde iyo C/laahi Yuusuf ku soo kala saxiixdeen dalka Itoobiya.

 

Arintan ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeelan doonta siyaasada gudaha ee xubnaha ugu sar sareeya DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya, gaar ahaan c/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo ku loo lamaya awood DKMG ah.

 

www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this