Sign in to follow this  
SOO MAAL

Madaxweynaha maamulka isku magacaabey Daahir Riyaale Kaahin ayaa shaaca ka qaadey ine

Recommended Posts

SOO MAAL   

Madaxweynaha maamulka isku magacaabey Daahir Riyaale Kaahin ayaa shaaca ka qaadey iney hayaan shaqsiyaad argagaxisa ah oo ka yimid dhanka magaalada Muqdisho.

 

May 06 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Madaxweynaha maamulka isku magacaabey Daahir Riyaale Kaahin ayaa shaaca ka qaadey iney hayaan shaqsiyaad argagaxisa ah oo ka yimid dhanka magaalada Muqdisho, dhowaana ay soo taagi doonaan maxkamad.

 

Madaxweynaha maamulka isku magacaabey Daahir Riyaale Kaahin oo maanta wareysi siiyey televisionka Al-Jazeera, ayaa sheegay in maamulka la baxey Somaliland ay ka jiraan mushkiladaha ay argagaxisada ku heyso qaar kamid ah dalalka caalamka gaar ahaan wadamada Islaamka.

 

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo lagu wareystay barnaamijka “Liqaa’ul Yoom†ee telefishinka Al-Jazeera isla markaana uu madaxweynaha ku hadlaayey luuqada Ingiriiska oo afka Carabiga lagu turjumaayey, ayaa sheegay iney dhowaan qabteen rag argagaxisa ah oo ka tirsan ururka Al-Itixaad Al-Islaami, kuwaasoo uu sheegay iney ka yimaadeen magaalada Muqdisho oo ay ku hayaan magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynaha maamulka isku magacaabey Daahir Riyaale Kaahin oo wax laga weeydiiyey iney ku biirayaan Soomaaliya iyo in kale, maadaama dowlad Cusub lagu soo dhisay shirkii dibu heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socday magaalada Nairobi, ayaa ku andacoodey iney tahay taasi habeenkii xaley tagey, oo aysan marnaba dhici Karin iney ku gorgortamaan midnimada Somaliland.

 

Daahir Riyaale Kaahin waxa uu intaa raaciyey koonfurta Soomaaliya iney xaliyaan khilaafaadkooda oo aysan soo fara galin arrimaha Somaliland.

 

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin sidoo kale mar wax laga weeydiiyey sababta loo aqoonsan la yahay, ayaa sheegay in dalalka Carabta iyo adduunweynahuba uu ku eedeeynayo in Somaliland ka jecel yihiin koonfurta Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho kaliya ay booqdaan xubno ka tirsan beesha caalamka, isla markaana aysan marnaba ayan imaanin magaalada Hargeysa ee ah jamhuuriyada la magac baxdey Somaliland.

 

Daahir Riyaale Kaahin mar uu ka hadlaayey arrinta gobolka ayuu sheegay inuu xiriir la leeyahay dowlada Itoobiya, isla markaana xiriirkooda uu yahay mid ku dhisan darisnimo wanaaga iyo wax is dhaafsiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this