Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Guurtida oo ka Hadlay Dalab ay u Keeneen Guddidii uu u xilsaaray Khilaafka Gacanlibaax-

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Guurtida oo ka Hadlay Dalab ay u Keeneen Guddidii uu u xilsaaray Khilaafka Gacanlibaax-
IMG-20230819-WA0018-300x169.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha golaha guurtida JSL, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudanayaasha ku wargeliyay in guddidi ay u saareen ka soo tallo bixinta xaalada Buurta Gacan-libaax ay codsadeen in muddo todoba cisho ah loogu darro wakhti ay hore u haysteen, si ay warbixin dhammeystiran golaha iyo bulshada ugu soo celiyaan.

Sidoo kale Mudanayaasha Golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay xaaladda caafimaadka dalka, waxaanay mudanayaashu sheegeen in xaalada caafimaad ee dalku wanaagsan tahay.

Geesta kale waxa ay mudanayaashu talo ahaan ku soo jeedinayaeen in xarumaha hooyada iyo dhallaanka la badiyo isla markaana ay mihiim tahay in gobollada iyo degmooyinka dalka laga hirgeliyo, si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee ka jira ee bulshadu aadka u tabayaan.

Dhanka kale Mudanayaasha Golahaas Guurtida Somaliland ayaa dood kooban ka yeesheen tamarta dalka iyo sidii bulshada ku nool magaalooyinka waa weyn ee dalku u helilahaayeen adeeg laydh oo wanaagsan, waxaanay shirkadaha gacanta ku haya adeega laydhka ka codsadeen inay bulshada ka jabiyaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this