Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa Abuuray Dhibta Maanta Ka Jirta Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

img_2_1689022744242-1-1-297x300.webp

Saddexda Xisbi qaran, Kulmiye, Waddani iyo Ucid, keebaa qabyaaladii laga yar nastay xilligii M/weyne Daahir Riyaale dib u soo nooleeyey?
Yaa qori isu dhiibka xilliga doorashada M/weynaha bilaabay?
Yaa jeegaanta sameeyey?
Ujeedada loo samaystay jeegaanta maxay ahayd ayse tahay?
Reeraha ku bahoobay jeegaanta yay u jeegaamaynayaan?
Dalka miyaan la wada lahayn oo aan reerna hogaaminta dalka sinaba loogu diidi karin?
Yaa hantidii dalka boobay welina boobaya?
Yaa musuqii iyo maamul xumadii xalaaleeyey?
Yaa dawlad wanaagii koraysey dumiyey, dalkii iyo dadkii is haysyteyna xilligii m/weyne Daahir Riyaall kala erdheeyey oo midiyo isugu.djiibey?
Yaa qaybi oo xukun ku dhaqmay illaa haddana ku dhaqma?
Yaa dhibta maanta dalka ka jirta abuuray?
Yaa leh dalka sida aan doono ayaan u wadayaa cidna waxba ka weydiin maayo sidii Afweyne?
Yaa distoorkii iyo xeerarkii dalka u yaal ku tuntay tunkana ku qaatay?
Yaa leh tayda uun baa socnaysa?
Yaa yidhi sharciga annaa isu haya?
Yaa abuuray khilaafka siyaasadeed ee dalka ragaadiyey?
Yaa tuuray oo roobka u dhigay asagoon furin sharcigii ay xeer-dejinta dalku soo unugday?
Yaa ka meermeeray in uu xilligeedii ku qabto doorashada m/weynaha?
Yaa doorasho aan xeer lagu qabtaa jirin ku dhegen in uu ka horaysiiyo doorashadii xeer iyo xoolo lagu galaba loo hayey?
Yaa dhaqankii ahaa isxishmayn, wada-tashi iyo isu-tanaasul ku dhisnaa ee ay S/’land ku soo caano maashay ka hor yimi kuna gacan saydhay asagoo weliba gardaran?
Yaa Komishanka doorashooyinka u magacaabay xubin xishiyahan ahaa oo sharci jebin ah in loo magacaabo Komishan doorasho ku kacay kuna dhaqmay oo ay xisbiyada mucaaridku ay ka ogolaadeen?
Ayagoo kaa tashaday kuuna tashaday yaa ku dooda dellana ka dhigta kursiga cod baa lagu fuulaa ee xabbad laguma fuulo?
Dagaalkii 1994kii yaa riday?
Yaa yidhi 24 saac ayaan Burco kaga safaynayaa H/Y?
Yaa yidhi Laascaanood maxa iga galay?
Yaa yidhi Beel iyo intii kale, beel ka-wax ayaa dagaalamaya?
Yaa markasta la soo taagan Cirro Xamar ayuu la shaqeeya asagoo u jeeda Beesha West Burco Clan?
Yaa cid kasta, sheekh iyo shariifba, diiday oo afka taagaya?
Yaa laayey maxayse ku laayeen dadkii aan waxba galabsan ee dareenkooda ku cabirayey mudaharaad silmi ah?
Nabadu halkay ka xidhmi la’da hay?
Sheeko baraley !!

Su’aalahaa kor ku xusan markay Gudida nabdaynta isu xilqaantay ay mid mid isu-dultaagto ee ay dhinaca qaldan runta u sheegto ayagoo cuskanaya sharciga dalka u yaal, halkii ay sartu ka qudhuntay waa helli karaa, nabadina.way imman kartaa. Inta afka la taagayo, waxan filayaa in aan nabad iyo islaab xaadhashtoons dhacayn,

By: Jamafalaag
Hargeisa, S/land

jamafalaag@gmail.com

Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani ma aha kuwo ka turjumaaya shabakadani ee waa aragtida mid ka mid ah akhristayaasha shabkakadani fikradaasina qoraha ayay ku koobantahay kor ku xusan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this