Sign in to follow this  
General Duke

1500 TFG troops arrive in Baidoa....

Recommended Posts

Ciidammo ka tirsan kuwa ku xareysan Waajid oo xalay si kaddis ah ku soo galay Baydhabo

Posted to the Web May 07, 16:31

 

 

Baydhabo (PP) - Ciidammo ka tirsan kuwii ku xareysnaa xerooyinka Degmada waajid ee Gobolka Bakool oo wata gawaarida dagaalka ayaa xalay soo galay gudaha Magaalada Baydhabo.

 

Ciidammadaan ayaa la sheegay inay qayb ka noqon doonaan kuwa ilaalada madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ee ku sugan gudaha magaalada Baydhabo, waxaase jira warar kale oo sheegaya inay ka mid noqon donaan ciidammada lagu xareynayo Xerada Manaas ee Duleedka Magaalada Baydhabo.

 

Wararka ay puntlandpost ka heslayso Baydhabo ayaa sheegaya in ciidammadaan ay hadda ku sugan yihiin xarunta Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah halka uu daggan yahay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana lagu wadaa inay halkaas fariisin ka dhigtaan.

 

Ciidammadaan ayaa ku biiray kuwo horay u soo galay magaalada Baydhabo oo ka mid ahaa kuwa ku xareysan xeryaha ciidammada dowladda ee Degmada Waajid oo ah halka ay fariisinta ka dhigteen markii ay ka soo guureen Xerada Congo ee Degmada Jowhar muddo hadda laga joogo ku dhawaad 3-bilood.

 

Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidammadaan lagu wado inay ka mid noqdaan kuwa lagu xareynayo xeryaha Manaas iyo Daynuunaay kuwaasoo halkaas lagu wado inay ku qaataan tababarro ku saabsan sugidda amaanka guud ee Magaalada Baydhabo oo ah halka ay dowladdu daggan tahay.

 

Waa markii labaad ee ciidammo iska socda oo ka mid ah kuwa ku jira xeryaha Waajid ay soo galaan gudaha gudaha Baydhabo goor habeen ah iyagoo aan cidina ka warqabin.

 

Soo gelitaanka ciidammadaan ayaa ku soo beegmay xilli ay xildhibaannada digil iyo mirifle ka ururinayaan gudaha Baydhabo qoryooleyda ayna ku xareynayaan Manaas iyo Daynuunaay.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu

puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this