Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Xildhibaannada Laga Soo Doorto Puntland La Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan is xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa.
Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xaaladda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi.
Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan nabadda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka la hiigsanayo.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), iyadoo ugu dambeyn si wanaagsan la isugu afgartay.
362894508_737980925035183_45699224239852
362912610_737981075035168_26593975684120
362899860_737980995035176_94067074743399
362666312_737980961701846_60753307925518
362906544_737981038368505_37403589254207
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this