Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Xamza kala hadlay xildhibaannada ka soo jeedo Puntland? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
362936748_638147148414435_75462636311841

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulan ballaaran oo wadatashi ah xalay isugu yeeray xildhibaanada labada Gole ee kasoo jeeda deegaanada Puntland, kuwaas oo uu kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) oo labaduba deegaan doorashooda ay tahay Puntland.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka, kuwaas oo ay ka maqneyd dowlad goboleedka Puntland, maadaama uu weli khilaaf xoogan oo dhanka siyaasiga ah uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ah.

Sidoo kale Xamza ayaa ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ku dadaali doonto sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa, maadaama ay weli taagan xiisad u dhexeyo Denio iyo mucaaradka.

Xildhibaannada labada Aqal ayuu sidoo kale ugu baaqay inay doorkooda qaataan, kana shaqeeyaan sidii Puntland loogu soo celi lahaa saaxadda, loona xalin lahaa khilaafka dhexdeeda ka taagan ee ka dhashay muranka hareeyay doorashooyinka ku soo socda.

Dhinaca kale waxaa kulanka oo ka dhacay hoyga ra’iisul wasaaraha lagu soo hadal qaada xaaladda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi, gaar ahaan dagaalka xoogan ee bilihii u dambeeyay ka socday aagga magaalada Laascaanood.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan nabadda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka la hiigsanayo.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in ugu dambeyn uu kulanka kusoo dhammaaday is afgarad, isla-markaana lagu ballamay in laga wada shaqeeyo danaha guud, sidoo kalena meel la’iska dhigo khilaafaad soo laa laabtay.

Puntland ayaa ka maqan xeyndaabka dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay is qabteen madaxweyne Xasan, waxayna taas saameyn ku yeelatay xiriirka labada dhinac.

360157712_638147215081095_89572410743036 360162968_638147181747765_14733349912032 362929726_638147255081091_56574010850504 362930398_638147105081106_63555379580989 362936008_638147298414420_77189778039768 362936748_638147148414435_75462636311841 362948907_638147165081100_80115789816773

The post Muxuu Xamza kala hadlay xildhibaannada ka soo jeedo Puntland? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this