Sign in to follow this  
Deeq A.

Faratoon oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16901012313591675.jpg?resize=720%

Magaalada Hargeysa waxaa maanta ka dhacday doorashqda guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, waxaana xilkaas loo doortay xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon oo ka tirsan xisbiga talada haye ee Kulmiye.

Faratoon waxaa u codeeyay 46 xildhibaan, halka musharaxii la tartamay Maxamed Khadar Daahir uu helay 35 cod, iyadoo Golaha Wakiillada Somaliland–na ay ka kooban yihiin 82 mudane.

Xilka loo doortay Yaasiin Faratoon waxaa 11 bishii hore ee June iska casilay Cabdirisaaq Khaliif, oo ay ka soo wada jeedaan gobolka Sool oo lixdii bilood ee la soo dhaafay uu ka socdo dagaal u dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Faratoon oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this