Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland President Meets Delegation from InterPeace

Recommended Posts

HARGAYSA, 27 Jan. 2008-- Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu caawa ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Wefdi ka socda hay’adda qaabilsan Nabadaynta iyo hir gelinta Dimuqraadiyada ee magaceeda loo yaqaano (Inter Peace) oo booqasho sharaf ugu yimid Madaxweynaha, sidaa waxa sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Afayeenka Madaxtooyada.

 

Hay’addaasi Inter Peace , waxa ay tahay ta loo igmaday in ay ka hir galiso Jamhuuriyada Somaliland doorashooyinka loogu tallo galay in ay dalka ka dhacaan sanadkan aynu ku jirno ee 2008, kuwaasi oo ay ka mid yihiin doorashooyinkii Golayaasha Deeegaanka iyo Madaxtooyada.

 

Jerry McCann oo hogaaminayay wefdigaasi waxa uu Madaxweynaha JSL ugu mahad naqay soo dhawaynta fiican ee uu u fidiyay isaga iyo wefdigiisaba iyo wakhtigiisa qaaliga ah ee uu u huray inay la kulmaan.

 

Mr Jerry waxa kale oo uu intaa raaciyay in ula jeedada socdaalkoodu yahay in ay dar dar geliyaan sidii loogu dhaqaaqi lahaa qorshayaashii loogu tallo galay in lagu fuliyo diiwaan gelinta shacbiga Somaliland iyo adeegyada kale ee loogu tallo galay in lagu fuliyo doorashooyinka fooda inagu soo haya.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu wefdiga u sheegay in xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa qorshayaasha loogu tallo galay in lagu amba qaado doorashooyinkaasi , taas oo xukuumadu ay doorkeeda ka qaadan doonto haddii ay noqoto dhinac dhaqaale iyo xaga Nabad gelyaba , iyada oo mar walba la tashi la yeelan doonta Komishanka doorashooyinka iyo Asxaabtaba.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu tibaaxay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay in ay si Nabad gelyo ah uga dhacaan dalkeeda doorashooyin Xor ah oo la mid ah kuwii hadda ka hor dalka ka qabsoomay , si loo fuliyo geedi socodka dimuqraadiyada Jamhuuriyada Somaliland ku caano maashay.

 

Kulankaasi dhex maray Madaxweynaha iyo Wefdiga hay’adda Inter Peace waxa kale oo goob joog ka ahaa Madax ka tirsan Komishanka Doorashooyinka oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Komishanka Mudane Maxamed Yuusuf Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this