Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu A/MADOOBE kala hadlay gudoomiyeyaashii hore ee BF? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
360123111_598921919085114_90690635830415

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay kulan casho sharaf ah ku maamuusay guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga guddoomiyte Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa lagu casuumay saddex guddoomiye hore oo kala ah Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo weli ka tirsan Golaha, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Guddoomiyeyaasha oo deegaan kasoo wada jeeda Koonfur Galbeed ayaa kulankooda uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan Baarlamaanka, sida uu shaaciyay Aadan Madoobe.

“Mas’uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa laghu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska gudodomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sidoo kale Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay guddoomiyeyaashii hore sida ay usoo ajiibeen kulanka uu la yeeshay oo sidoo kale ahaa casho sharaf uu ku maamuusayay.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa saddexduba waxay kamid yihiin madaxda ka qayb-gashay shirkii madaxda dowlada federaalka & kuwii hore ee Khamiistii lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay inta badan dood ka keeneen xubnaha mucaaradka, waxaana shirka uu kusoo dhamaaday jawi degan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskaasi, iyo sidoo kale dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo galaya wajigiisii labaad.

Si kastaba, heshiiskan ayaa la filayaa in uu go’aan ka gaaro Baarlamaanka Soomaaliya, ayada oo haatan lagu wareejiyay guddiga dib u eegista, la-socodka iyo hirgelinta dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan, uguna dhigaan siiqad dastuur, ka dibna ay u horkeenaan fadhigga Golaha Shacabka Soomaaliya oo ugu dambeyn ka doodi doono heshiiskaasi.

361220625_598921435751829_57367349892781 360123111_598921919085114_90690635830415 360105606_598921642418475_28760528101018 359862259_598921529085153_11062339123127 359836739_598921822418457_19423234999356 359799424_598921725751800_68144238014160

The post Muxuu A/MADOOBE kala hadlay gudoomiyeyaashii hore ee BF? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this