Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha Israel oo si deg deg ah isbitaal loo dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   
e6772681-93a6-42bb-888e-9f1dd857e713_w40

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa isbitaalka loola cararay, waxaana baaritaan caafimaad loo dhigay Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer.

Waxaa la dhigay qolka gargaarka degdegga ah ee Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer, sida uu sheegay TV-ga Channel 12 ee Israa’iil.

Netanyahu, oo 73 jir ah, oo ah hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa dalkaas, ayaa ka cabanaya xanuun feeraha ah, in kasta oo uu si buuxda u joogo miyirkiisu.

War kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu xaqiijiyay inuu ku sugan yahay Isbitaalka Sheba, waxaana lagu sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay oo uu ku marayo qiimeyn caafimaad.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaaraha Israel oo si deg deg ah isbitaal loo dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this