Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Cali Khayre oo kasoo dagay Muqdisho, kadib dalabkii Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1689065050333-768x512-1.jpg?fit=7

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha, Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).

Khayre ayaa deg-deg uga jawaabay dalabka Villa Soomaaliya oo madaxdii hore iyo saamileyda siyaasadda ku casuuntay shirweyne dhowaan ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre uu u yimid ka qayb-galka shirkaas oo lagu gorfeyn doono qodobadii kasoo baxay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wadatashiga oo ay heshiis ku gaareen dowladda dhexe iyo maamullada dalka.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saari doonaa tabashada xubnaha mucaaradka oo iyagu horay uga soo horjeestay heshiiskaas oo lagu go’aamiyay doorashooyinka dalka.

Dhanka kale, khayre ayaa la filayaa inuu ku biiro dhaq-dhaqaaqa haatan ka socda gudaha Muqdisho, isla-markaana uu bilaabo kulamo uu la yeenayo xildhibaanada iyo bulshada.

Horay waxaa Muqdisho ugu sugnaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isuguna kamid ah ragga diiday heshiiskaas, wuxuuna caasimada ka bilaabay abaabul culus, isaga oo la kulmay xildhibaanada iyo sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka la filayo in Villa Soomaaliya ay qabato ayaa ah mid isha lagu wada haayo, waxaana sidoo kale qorshuhu yahay inay kasoo qayb-gasho Puntland oo iska diiday shirarkii hore.

Si kastaba, wuxuu shirku kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana dalka ay ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiska ay gaareen Golaha Wadatashihga Qaran, sidoo kalena dood u dhexeyso baarlamaanka iyo xukuumadda, waxaa kale oo magaalooyinka qaar ka jira xiisado, sida Gedo, Garoowe, Beledweyne iyo Laascaanood.

358446036_753735453221777_24353574372529 FB_IMG_1689065050333-768x512-1.jpg?resiz FB_IMG_1689065423536-768x513-1.jpg?resiz

The post Sawirro: Xasan Cali Khayre oo kasoo dagay Muqdisho, kadib dalabkii Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this