Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay diyaarad rakaab sidday oo ka baxday dhabaha diyaaraduhu kusoo degaan ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Illaa hadda mas’uuliyiinta ma hubaan waxa keenay inay diyaaraddu ka baxdo dhababaha diyaaradaha.

Diyaaraddan ayaa la sheegay inay sidday 30 qof, islamarkaana ay ka timid magaalada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland.

Diyaaraddan ayaa la sheegay inay ku duulaysay magaca shirkadda Halla Airlines.

Shaqaalaaha gurmadka ayaa jooga goobta, waxaana tagay dab-damiska.

Mid ka mid ah mas’uuiyiinta garoonka ayaa u sheegay VOA inay doonayaan in si degdeg ah loo furo dhabaha diyaaradaha si ay ugu soo degaan diyaaradaha kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this