Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale to Meet the Opposition Leaders

Recommended Posts

SDWO (Hargeisa 23/04/08) - Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay inuu aqbalay inuu labada hoggaamiye Mucaarad Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md. Faysal Cali Waraabe ku horfadhiisto kulan dhexdhexaadin ah, si ay uga wada hadlaan xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee ku soo korodhay Somaliland.

 

Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isu xil saaray inuu dhexdhexaadin ka gallo xaaladda siyaasadeed ee adag, uu shalay kulan la yeeshay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

 

Sida ay ilahaasi tibaaxeen waxa uu Madaxweyne Rayaale, guddoomiye Cirro ka aqbalay dhexdhexaadinta uu waddo, waxaanu ogolaaday inuu kulan la yeesho Labada hoggaamiye mucaarad ee xisbiyada KULMIYE iyo UCID Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md. Faysal Cali Waraabe. Warku waxa uu sheegay inuu Madaxweyne Rayaale kulankaas ka sheegay inuu isagu soo cayimi doono xilliga uu kulankaas labada guddoomiye Mucaarad iyo isagu qabsoomi doono, waxaana la filayaa in Madaxweynuhu maanta guddoomiyaha Golaha Wakiilada u soo gudbiyo wakhtiga.....

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo uu Geeska Afrika xalay arrintan wax ka weydiiyay ayaa qalbi furan ku qaabilay, "Annagu markii horeba waxaanu lahayn aynu wada hadalno oo tashano, xaaladan wada jir ayaa lagaga bixi karaaye. Markaas haddii uu ogolaaday oo Illaahay soo hadeeyay waanu soo dhawaynaynaa waanan ku amaanaynaa." Ayuu yidhi Md. Faysal Cali Waraabe.

 

Aragtiyaha siyaasadeed ee Madaxweyne Rayaale iyo hoggaamiyayaasha xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa aad u kala fogaaday, kaas oo ka dhashay muddo kordhintii Golaha Guurtida Somaliland mudada sannadka ah ugu kordhiyeen Madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa, kaas oo ay xisbiyada Mucaaradkuna sheegeen inaanay aqoonsanayn.

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa xaflad loogu dabaal degayay sannad guuradii labaad ee aasaaska wargeyska Geeska Afrika ka sheegay inay dhexdhexaadin ka gelayaan khilaafyada iyo murannada siyaasadeed ee xilligan dalka ka aloosan.

 

Md. Cirro, waxa uu ku sheegay in Golaha Wakiilladu doorkood dhexdhexaadineed ka qaadan doonaan xal-u-helidda murannada siyaasadeed ee waqtigan dalka hadheeyey ee u dhexeeya axsaabta mucaaradka iyo xukuumadda ee ka dhashay qabashada doorashooyinka, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid halis iyo qalalaase u horseedi karta Somaliland."Doorka Golaha Wakiilladu ka qaadanayo xallinta murannada dalka ka taagan wuxuu noqonayaa dhexdhexaadinta dhinacyada khilaafku u dhexeeyo, sidaa awgeed siyaasiyiinta dalka mucaarad iyo muxaafidba waxaannu ka codsanaynaa inay ka hadhaan yooyootanka aan macnaha lahayn ee ay warbaahinta isku waydaarsanayaan, Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa in hawshaasi si wanaagsan oo wadatashi ah ku dhammaato," ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

 

Rayul caamka guud ee bulshada Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyay ku jaho wareeray siyaasadda cakiran ee wadankooda ayaa aaminsan in wada hadal lagaga gudbi karo wax kasta oo soo kordha, maadaama Somaliland ku caano maashay wada hadal iyo isu tanaasul. Sidaas daraadeed dadku waxa ay il gaar ah ku eegi doonaan wada hadaladaas iyo midhaha ay dhallaan.

 

 

Source: Wargeyska Geeska Afrika, April 23, 2008

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this