Deeq A. Posted June 25, 2023 Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in shan qof lagu dilay weerar ka dhacay gobolka magaalo-xeebeedka Lamu oo ku dhow xadka Soomaaliya, kana tirsan gobolka Xeebta, Waxay sheegeen in afar ka mid ah dadka la laayay la xiray kadibna qoorta laga jaray. Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkan oo shalay dhacay. Waxay sidoo kale dab qabadsiiyeen guryo la sheegay in ay ku noolaayeen dad aan heysan diinta Islaamka. Waxay sheegatay in tani ay jawaab u tahay go’aankii Kenya ay sannadkii 2011-kii ku sheegtay inay ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxdaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites