Sign in to follow this  
Deeq A.

Hadaan Beri Talo Xumaan Lagu Salidin Kama i Maadeen.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hadaan Beri Talo Xumaan Lagu Salidin Kama i Maadeen.
1687714217547blob.png

Togdheer baa Calaacalay markuu tebey Ragiisii…..Belo ku degtay Mixnadland waar meesha maxaa cadaalad dari taala. Sidaa warbaahintu soo tebinayso waxa dekeda Berbera ka dhoofaaya Xoolo kor u dhaafay 2 Million oo neef waana war wanaagsan oo lagu farxo. dhinac kale hadii aa aan kuu Iftiimiyo ma ogtay War-moogow in Xoolahaa cadadkaa leh 75% ama 1 Million iyo 300 oo Kun laga keenay sayladaha Gobolka Todheer, siiba Saylada Xoolaha ee Magaalada Burco. Saaxiib War-moogow ama Ina-Burcow hadaba waxaad Is-weydiisaa Gobolka Togdheer maxaa Cashuur ahaan uu ka helaa xoolaha faraha badan ee Sayladihiisa laga keenay. Inta aan ka war hayo Togdheer waxa uu ka qaada neefkiiba wax la yidhaahdo DAABAQAD taas oo u dhiganta waxa ka yar nus Dollar, halka Berberi ay neefkiiba ka qaado 10 dollar iyo wax ka badan. DHEGA….(OOD LAGAMA GOOYAAN MAXAA EHELU-NAAR JOOGA)

Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist.
Copenhage.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this