Deeq A. Posted June 24, 2023 Dagaal la isu adeegsanayo noocyada kala duwan ee hubka ayaa ka dhex qarxay saaka ciidamada Somaliland iyo kuwa maleeshiyaadka ku dagaalamaya Laascaanood sida ay sheegayaan wararka imanaya magaalada Laascaanood. Lama oga khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalka bilaabmay subixii hore, aya la isu adeegsaday madaafiic, iyada oo aanay weli ka hadal labada dhinac. Dagaalka ayaa weli soconaya , waana kii cuslaa muddo bilood ah , sida ay wararka sheegeen maaha dagaal ay si toos labada ciidan isaga hor yimaadeen , laakiin waxa ay is dhaafsanayaan hubka culus . Source Share this post Link to post Share on other sites