Sign in to follow this  
Deeq A.

F.C.Waraabe oo kulan la yeeshay Ergayga Dalka Finland u qaabilsan Arimaha Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta magaalada Hargayaa kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee dawladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadaynta & dhexdhexaadinta ee geeska Africa Suldaan Siciid Axmed.
Waxaana kulankan lagaga wada hadlay, xaaladda guud ee dalka, arrinta ka taagan Laascaanood, arrimaha Doorashooyinka iyo qodobbo kale.
Waxaana uu Gudoomiyuhuu u sheegay Ergayga, in Doorashada sharciga ah ee dalkan laga qaban-kara tahay Doorashada Madaxtooyada.
Sidoo kale, Gudoomiyuhuu wuxuu warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Dalka.
Waxaa Gudoomiyaha kulankan ku wehelinayay, qaar kamid masuuliyiinta xisbiga UCID, iyo Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur”shiine” oo kamid golaha wakiilada Somaliland.
354224211_749067953889917_81196544392241
353404435_749067990556580_42591415648328
355862651_749068013889911_11457788705620
354452301_749068033889909_58987401573645

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this