Sign in to follow this  
mangalool

GUURKII hore iyo ka MAANTA!!!

Recommended Posts

Asalaamu caleykum dhaamntiinba.

waxaan aad u xiisayn lahaa inaan ogaado faraqa bal u dhexeeya guurka maanta jira iyo balkii hore waxa ya ku kala bedelanyihiin, ama u dhaxeeya, tusaale ahaan, gabadha berigii hore waa la bixin jirey, laga xoola qaadan jirey, laga yaabaa inaanu ninkuba xoola lahayn waxaase shuruud ahayd inuu gabadha yarad kabixiyo,gabaati iyo dhabarjab,

weliba dhib badan uu usoo mari jirey, gabadha aragtideeda ama iska hubinteeda, habluhu waxay ahaayeen, qaar ay adagtahay sidaad kula kulanto ama kula haasawdo, iyagoo qaban jirey hawsha xoogeeda marka la eego xaga miyiga ee dhaqankeena weliba ubadan ayahay, xaga magaalada waxay habluhu ahaanjireen maxajabado(makhabiya).

waxay miyiga iyo magaaladuba kasinaayeen in gabadha laga qaato yarad, mood iyo maal waxay doonto ha ahato,e.

waxaa jirta oo kale in hablaha lala bixi jirey sida hadaba jirta, ama la dhabrgaraaci jirey(in la khasbo)haday gabadhu ninka diido ,ama aanay jirin hanti uu la gola tago, waxaana ceeb ka ahayd somalida gabadha carmalka ah ama layidhaahdo waala furay, guurku wuxuu ahaa taariikh dadku ay tirsadaan oo ay yidhaahdaan sebaankii ama xiligii hebel guursadey, sababtoo ah qiimaha guurku lahaa.

hablaha marka ay hore u waayaan cid guursata waxaa dhici jirtey inay ka tagaan beesha ama deegaanka ay joogaan oo ay (HEERIN) noqdaan si bal ay calafkooda uula kulmaan, hadana iyada oo ay dhibaatadaas oo dhami jireen hadana ma ay jirin inay gabadhu guumoowdo,waxaana ay ahayd dhif iyo naadir, ruux walba ilaahaybaa calafkiisa qoray oo horaa loogu dhameeyey ilayne, hadabana way jiraan rag iyo dumar aan guursan labaduba.

ujeedada qoraalkaygu waa bal inaan ogaado ka magaalada ama waxay ay habluhu tabanayaan.

had iyo jeer waxaad qoraalada badidooda ku aragtaa inay habluhu dhaleeceeyaan dhaqankooda kaaso ah kaynu kasoo wada gaadhney awoowayaasheen iyo halka aynu kasoo farcanay.

aan kusoo koobo bal sheekadayda heestan ay gabadhu u marisay nin markaas saboola doonayeyna inuu guursado oo labaxo, iyaduse waxay taladeeda udeysey xaga waalidkeed , waxaana ay tidhi inantii.

 

igu reerntay igu reentay oo igu raad waraabaysaye , waa waxaad reer kayaga siisaa ama aad igu rugaysaa......

bal dhuux mid waanu fahaney oo waa wixii uu ku masruufi lahaa ta kalena waa wixii yaradka ahaa,,, :D

run ahaantii aad baan uugu mahadnaqaya cid alaale cidii iga siisa wax fekred ah meesha ay sartu ka qudhuntay ee aynu isla fahmi la`nahay,hadaynu nahay rag iyo dumar

hadal iyo gun waxaan kaga baxayaa isku daalnaye maxaa inoo dan`ah? :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this