Sign in to follow this  
General Duke

Qhardo: New University to open in Puntland: PICS

Recommended Posts

Jaamacad Cusub Oo Laga Furey Degmada Qardho(Sawiro)

 

September 23, 20100

Share Xaflad lagu furayay Jaamacadda Bariga Soomaaliya ee Degmadda Qardho (East Somalia University) ayaa maanta(24-09-2010) si rasmi ah xariga looga jaray.

 

Furitaanka Jaamacadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuulyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarshadda Puntland,Aqoonyahano iyo dad waxgarad ah.

 

Xaflad Qado sharaf ah oo Madaxda Jaamacada ay ku qabteen Hotelka Guffurre ka dib ayaa waxaa loo soo dhaqaaqay Halka ay ku taalo Xarunta Jaamacadda taasi oo masuulyiinta ay kormeer ku sameeyeen Qeybaha kala duwan ee Dhismaha Cusub ee Jaamacadda.

 

Ugu horeyn waxaa halkaas hadal kooban ka jeediyey Ustaad Sakariye Maxamud Ciise oo ka mid aha masuulyiinta hirgelisay furitaanka Jaamacadda Bariga Somaliya.

 

Proff. Axmed Maxamed Barre oo isagana ka tirsan Maamulka Jaamacadda East Somalia University ayaa wax uu in badan ka hadlay heerka waxbarsho ee Qardho ay soo martay isaga oo sheegay in 1984-tii ay aheyd halkii ugu horeyay ee la rabay in laga furo Jaamacad Goboladda Waqooyi bari, hasse yeeshee mudooyinkaas intii ka dambeysay aysan suurto gelin.

 

Wax uu sheegay in aysan hirgelin illa wakhtigaas, hasse yeeshee dadaal badan oo loo galay furitaanka Jaamacadda ay maantay suurto gashay.

 

Proffka wax uu si aad ah ugu dheeraaday in uu rajeynayo in Jaamacadda Bariga Soomaaliya ay noqto mid kaalin wayn ka qaadata dhiiro gelinta xagga waxbarshadda degaanka gaar ahaan Dhalinyaradda.

 

Maxamed Siciid Hogaama la roor Duqa Cusub ee Qardho ayaa isagana wax uu sheegay in isaga ay si gaar ah farax ugu tahay furitaanka Jaamacadda, sabatoo ah wax uu sheegay in in badan lagu rajo weynaa furitaanka Jaamacadda.

 

Duqa ayaa wax kale oo uu ka hadlay kaalinta Qardho ay kaga jirto waxbarshadda Puntland, isaga oo xusay in dadka u dhashay degaanka ay ahaayeen kuwa inta badan ku mashquulsan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.

 

Wax uu soo qaatay in hirgelinta Jaamacadaha kale ee Puntland ay fikradeeda iyo weliba hirgelinteeda kaalin weyn ku lahaayeen dhalinyaradda Degaanka Qardho, kuwaas oo maantayna u soo jeestay degaankooda.

 

Madax badan oo halkaas ka hadshay ayaa wax ay ku dheeraadeen ka hadlida Waxbarshadda degaanka , Ustaad C/ladiif Bilaal Cabdow Gudoomiyaha Waxbarshadda Gobolka Karkaar ayaa waxa uu isagana ku dheeraada Qiimaha Waxbarshadda ay u leedahay qofka, isaga oona ka sheekeyay in Qardho rag badan oo Wasiiro Waxbarsho ka soo noqday Puntland ay ka mid ahaayeen Ragii Qardho wax ku bartay.

 

Waxa uuna soo qaatay Wasiir ku xigeenka Waxbarshadda Puntland Cali Gamoote,Wasiirkii hore ee Waxbarshadda Axmed Siciid Aw Nuur iyo Agaasimayaal badan oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarshadda.

 

C/ladiif Bilaal waxa uu sheegay in uu ahaa Macalinkii wax soo baray dhalinyaradaas iyo kuwa kale oo jira dibadaha, laakiin waxa uu sheegay in markaan looga baahan yahay sidii ay gacan ugu geysan lahayeen sii socsiinta Tacliinta guud ahaan.

 

Ugu dambeyntii Waxaa lagu soo dhaweyay Wasiir ku xigeenka Waxbarshadda Puntland Cali Gamoote oo ka sheekeyay Waxbarshada Qardho heerkii ay soo martay iyo maantay halka ay joogto.

 

Waxa uu sheegay in uu isaga ka mid ahaan Dhalinyaradii dugsiga hoose illa Sare ku qaatay Qardho, isla markaana gacan ka geystay dhismaha Iskuulo badan oo laga hirgeliyay Degaanka xilligii dowladii dhexe.

 

Cali ayaa sheegay in sanadkii 2003dii Madaxweynihii Xilligaas C/laahi Yusuf Axmed, qoraal codsi ah oo loo gudbiyey oo ka hadlay Furitaanka Jaamacado laga hirgeliyo Puntland, Warqad uu xilligaas qoray ku cadey in Qardho laga hirgeliyo Jaamacadda Koowaad ee laga furay Puntland.

 

Dhan kale waxa uu sheegay in Ragii xilligaas dadaalka ugu jiray Furitaanka Jaamacadda Qardho ay ahaayeen Proff. Khaliif Maxamed Barre iyo C/waaxiid Cali Xundhur, hasse yeesheen maantay ay suurto gashay in la hirgeliyo.

 

Waxa uu si gaar ah dadka degaanka kaga codsaday in ay Caruurtooda geeyaaan Jaamacadda East Somalia University si ay Aqoontooda meel sare u gaarto.

 

Xafladii furitaanka ayaa wax ay ku soo dhammaatay sidii ay ugu talo galeen Madaxda Jaamacadda East Somalia University Qardho iyagga oona sheegay in ay dhawaan bilaabayaan Qoritaanka Arday ugu horeyay ee dhiganeysa.

 

Horseed Media

 

Qardho-Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

This is the kind of news we need to hear more about! There is no need to point out the benefits of education, but hearing stuff like this instead of the common death and destruction news is a relief!

 

Puntland is really fixing many of it's cities and towns and I hope to see more of this.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

This is the kind of news we need to hear more about! There is no need to point out the benefits of education, but hearing stuff like this instead of the common death and destruction news is a relief!

 

Puntland is really fixing many of it's cities and towns and I hope to see more of this.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this