Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiyiinta Puntland oo war xasaasi ah ka soo saaray qorshe uu Deni wato

Recommended Posts

Deeq A.   
deni.jpeg?fit=1384%2C1206&ssl=1

Garowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland ayaa soo saartay bayaan ay uga digeyso muddo kororsi ay sheegeen inuu damacsan yahay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo la sheegay in Deni uu qorsheynayo inuu marsiiyo baarlamaanka.

Qoraalka ayaa lagu yiri, “Madashu waxay uga digeysaa baarlamaanka Puntland in la sameeyo wax ka beddel dastuur oo aan ku saleysneyn heshiis siyaasadeed, dhaqan iyo bulsho, kaas oo keeni kara dhaawac dowladnimo, qalalaase amni iyo hubanti la’aan mustaqbalka Puntland.”

Waxay sheegeen inay u taagan yihiin ilaalinta xasiloonida, midnimada iyo dowlanimada Puntland, waxayna farriin u direen baarlamaanka Puntland, iyagoo ugu baaqay in kalfadhigaan lagu maareeyo taxadar iyo masuuliyad dheeraad ah, si looga badbaado qorshaha Saciid Deni.

“Madashu waxay Guddoonka iyo Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Puntland xasuusinaysaa waajibaadkooda Dastuuriga ah iyo xaaladda xasaasiga ah ee uu kusoo aaday Kalfadhiga 52aad ee Golaha Wakiiladda Puntland, inuu yahay mid u baahan masuuliyad iyo  taxadar dheeri ah si aysan ugu dhicin dabinka Madaxweyne Deni uu ku doonayo in Baarlamaanka Puntland loo adeegsado muddo kororsi iyo Dastuur furid aan sharciga waafaqsanayn, xilli ay gabaabsi tahay mudada Dastuuriga ee Xilhaynta Golayaasha  Dowladda Puntland.” Ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay madasha.

Sidoo kale Madashu waxay bayaankaan ku cadeysay in marar badan ay cod dheer ku sheegeen damaca Madaxweynaha Puntland Siciid Deni inuu yahay xukun maroorsi aan waafaqsanayn Dastuurka iyo xeerarka dowladnimada Puntland.

“Qorsha Saciid Deni waa arrin khatar ku ah xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay Madasha Siyaasadda Puntland.

Madashaan ayaa baarlamaanka ka codsatay in danaha xukuumadda Deni aysan ka hor marin danta shacabka reer Puntland, “Shacabka Puntland waxaan ugu baaqeynaa inay ilaashadaan amigooda, wadajirka iyo dowladnimadooda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran

354618012_596823132541746_19151063864844 354631349_596823165875076_59526557568776

 

The post Siyaasiyiinta Puntland oo war xasaasi ah ka soo saaray qorshe uu Deni wato appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this