Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo dil ku fulisay shan nin oo ay ku eedaysay basaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in ay xukun dil ah ku fulisay shan nin oo ay ku eedaysay basaasiin.

Fulinta dilka ayaa Khamiistii ka dhacay fagaare ku yaalla degaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabeellada hoose.

Shanta nin oo da’doodu u dhaxayso 28-52 sano ayay Al-shabaab ku eedaysay in ay basaasiin u ahaayeen Sirdoonka Soomaaliya iyo Maraykanka.

Al-shabaab ma soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaysa in shakhsiyaadka la toogtay ay basaasiin ahaayeen.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo dil ku fulisay shan nin oo ay ku eedaysay basaasiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this