Sign in to follow this  
Deeq A.

Wardheer: Damalkii taariikhiga ahaa ee Quracle oo go’ay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1686119638933.jpg?resize=720%2C34

Magaalada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo ayaa laga soo tebinayaa in uu go’ay damalkii taariikhiga ah ee Quracle.

Damalkan oo da’diisa lagu qiyaasay in ka badan 300 oo sano ayaa ku magacaaban ceelka Quracle ee magaalada Wardheer.

Ceelka Quracle ayaa kamid ah ceelasha ay caanka ku tahay Wardheer oo ay ku jiraan Mataan iyo Camuud kuwaas oo lagu xasuusto suugaanta Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah bulshada Wardheer ay baroor-diiq u sameeyeen geedkan taariikhiga ah ee go’ay oo mar ahaan jiray xafiis looga taliyo degaanka.

PUNTLAND POST

The post Wardheer: Damalkii taariikhiga ahaa ee Quracle oo go’ay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this