Deeq A. Posted June 6, 2023 Kooxo hubaysan ayaa dalka Nigeria ku dilay ugu yaraan 30 qof halka ay afduubteen tiro caruur ah. Kooxda ayaa weeraro kala duwan ka fuliyay illaa saddex gobol oo ku yaalla dhinaca waqooyi ee dalkaas, sida laga soo xigtay laamaha ammaanka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxahan hubaysani, in ay weeraro ku ekeeyeen tuulooyinka Janbako iyo Sakkida oo ku yaalla dhinaca Woqooyi Galbeed ee dalkaas. Dableyda ayaa sidoo kale tuulada Gora ka afduubtay, caruur yaryar oo loo dirsaday in ay kaymaha ka soo ururiyaan xaabada dabka lagu shito. PUNTLAND POST The post Kooxo hubaysan oo ugu yaraan 30 qof ku dilay dalka Nigeria appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites