Deeq A. Posted June 5, 2023 Dowladda Senegal ayaa joojisay isticmaalka internet-ka mobilada ee meelaha qaar, sababo la xiriira rabshado dad badan lagu dilay iyo farriimo naceyb iyo qaran dumis ah oo lagu faafiyay internetka, sida laga soo xigtay bayaan ay Dawladda soo saartay. Dalka ku yaalla galbeedka Afrika ayaa waxaa saddex maalmood ka socday mudaaharaadyo rabshado wata oo ay ku dhinteen 16-qof, taasoo ka mid ah dibadbaxyadii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaas ka dhaca muddo tobannaan sanno ah. Rabshadaha ayaa ka dhashay xukunkii lagu ridday hoggaamiyaha caanka ah ee mucaaradka Ousmane Sonko, kaasoo lagu xukumay labo sanno oo xarig ah, taasoo ka hor istaagi karta inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee dhacaysa Febraayo. PUNTLAND POST The post Senegal oo meelaha qaar laga joojiyay internet-ka mobilada appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites