Sign in to follow this  
Deeq A.

Carqalado soo wajahay Hargeisa Stadium…Yuusuf Tadhase

Recommended Posts

Deeq A.   
Garoonka Hargeysa Stadium oo Biyo Fadhiisteen Ciyaarihii ka socdayna baaqdeen.
Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase)
Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xisbigga WADDANI.
“Garoonkii kubadda cagta ee Hargeysa Stadium waxaa ka muuqda dayac iyo daryeel la’aan baahsan, taas oo Maanta iyo Shalayba kulamaddii furitaanka Horyaalka Heerka koowaad ay baaqdeen.
Xisbigga WADDANI waxa uu u arka Raxmadda RABBI marka laga yimaado in Masuuliyiintii ay shaqadooda ahayd inay daryeelaan Hargeysa Stadium, inay gabeen oo aanay ka damqanayn garoonkii keliyaata ee Standard-ka oo noqday Balli ay biyihii fashiistaan.
Ayaan darro ka weyni ma jirto in garoonkii Caasimadda farriimaha naga soo gaadhaya qaylo-dhaantiisa aanu ka damqan weyno, waxaana ceebtaasi ay dul-hoganaysa Wasaaradda Ciyaaraha iyo XKCSL.
Waxaan wada ogsoonahay in garoonka lacag lagu galo qofkiiba (5,000/Sl.shillings), lama garanayo lacagtaasi meel ay marto. Miisaaniyadda Wasaaradda Ciyaaraha waxaa ku jirta lacago loogu tallo-galay in lagu dayac-tiro garoomadda.
Dhanka kale, XKCSL wuxuu Naaddiyada uu ka qaado lacago xad dhaaf ah oo Cashuur ay ku sheegaan, lacago kale oo Ganaaxyo iyo Iibka ciyaartoyda uga soo xarooda lama yaqaano lacagaha intaas leegi meesha ay maraan. Iyada oo intaasi oo dhani ay jirto Maanta Xisbigga WADDANI aqballi maayo in Hargeysa Stadium xaalkiisu uu sidaas noqdo.
Hargeysa Stadium Maanta uma u qalmayn in arrimahani ay soo wajahaan:
1. In Hargeisa Stadium ay biyihii fadhiistaan oo aanay haysan meel ay ka baxaan
2. In rooggii garoonku uu noqday mid madhay oo aan haysan dayactir, sidan lagu eegan karayn oo uu bedal u baahan yahay
3. In xaalka liita ee Suuliyaddu ay sababi karaan caafimaad-darro ka dhalata
4. In Hargeysa Stadium laga Shaqeysto ee aan loo shaqeyn
Ugu dambeyntii, Xisbigga WADDANI waxa uu farta ku fiiqaya cidda sidaas ku tallo-galka u hagratay inay tahay Wasaaradda Ciyaaraha iyo XKCSL, weliba Masuuliyiinta Maanta jooga oo intaas looga han weyna”
Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase)
Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xisbigga WADDANI.
351325353_1055808732061520_6027649800309
351180256_253749250575455_56733097104313
350789496_5405652619538269_6252946822382
351171557_762898098792948_10090439457578

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this