Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso court sentences Al Shabaab members to prison [Fake Mujahids cry, cry, cry]

Recommended Posts

Rag lagu eedeyey in ay xirrir la leeyihin Al-Shabaab oo maanta lagu xukumay Bosaaso.

 

November 3, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (0)

Rag lagu eedeyey in ay xirrir la leeyihin Al-Shabaab oo maanta lagu xukumay Bosaaso. | read this item C/qani C/laahi Cabdi

 

Horseed Media

 

Bosaaso,Soomaaliya.

 

Eedeysaneyaashan oo tiradoodu ay gaaraysay 6-qof ayaa maanta waxaa la horkeenay maxkamada darajada koowaad ee goboka Bari ee Dowlada Puntland.

 

Waxaana maxkamada xukunka eedeysaneyaasha u ka dhacaayay goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socotay Dowlada Puntland iyo qaybaha Bulshada.

 

Masuuliyiinti maxkamada goobjooga ka ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Puntland Jeneraal C/laahi Siciid Samatar,Taliyaha qaybta gobolka Bari Cismaan xassan Cawke “Afdalow” iyo masuuliyiin kale.

 

Xeer ilaaliyaha maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari Axmed Taaraane oo inta badan qaada kiisaska maxakamada darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa waxaa uu dhalinyaradaasi gaaraysa lixda ku eedeeyay in ay qayb ka yihiin ururka Al-Shabaab oo ka mid ah ururada hubeysan ee ka dagaalama koonfurta wadanka Soomaaliya,isla markaasina loo soo diray in qas ka dhaliyaan gobolada Puntland.

 

Waxaana u intaasi ku daray in qaraxyo iyo dilal ka dhacay magaalada Bosaaso ay ka dambeeyeen dhalinyaradaasi.

 

Xeer ilaaliyaha maxkamada darajada koowaaad ee gobolka Bari ayaa waxaa uu ka codsaday gudoomiayaha maxkamada Shiikh Maxamed Cabdi Awaare in dhalinyaradaasi lagu xukumo dil Toogasho ah.

 

Eedeysaneyaashaasi oo wax laga weydiiyay eeda loo soo jeediyay ayaa 4-ka mid ah ay sheegeen in arimahaasi lagu eedeynaayo ay ka dambeeyee,halka labo ka mid ah aysan waxba ka jirin oo aysan ururka Al-Shabaab aysan qayb ka ahayn.

 

Eedaynta Xeer ilaaliyaha iyo isdifaaca lixdaasi dhalinyaro markii soo afmeermay ayaa gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad Shiikh Maxamed Cabdi Awaare oo gudoomiya kiisaska maxkamada goboka Bari waxaa u ku dhawaaqay xukunkan;

 

1.Deeq yaasiin oo dhalinyaradaasi ka mid ahaa kuna eedeeysnaa in uu isqarxinta iyo dilka u u qaabilsanaa ayaa gudoomiyuhu u sheegay in ay maxkamadu ku xukuntay 10-sano oo xarig ah.

 

2.Ibraahim Maxamed 10-sano oo xarig ah.

 

3.Maxamed C/risaaq 10-sano oo xarig ah.

 

4.Maxamed Siciid 10-sano oo xarig ah.

 

5.Cali Axmed Xassan (Gacmeey) oo ka mid ahaa macalimiinta wax ka dhigaysay dugsiga sare ee Xamdaan ee Bosaaso kana mid ahaa eedeysanayaashaasi oo la sheegay in uu u qaabilsanaa kooxdaasi dhinaca wacyi galinta sida u maxkamadu u sheegay mid ka mid ah ragi qirtay eedaasi loo soo jeediyey waloow u beeniyey Macalinku,Maxkamadu ayaa ku xukuntay 10 sano oo xarig ah macalinkaas.

 

6.Maxamed Samatar oo ah eedeeysanaha lixaad ayaa gudoomiyuhu u sheegay in maxkamadu ay ku wayday wax dambi ah,waxaana lagu dhaariyay gudaha maxkamada iyadoo markii dhaartu ay dhamaatayna la sii daayay.

 

Shiikh Maxamed Cabdi Awaare ayaa waxaa u hoosta ka xariiqay in xukunka lagu riday eedeysanayaashaasi ay ka banaantahay qaadasho rafcaana.

 

Si kastaba waa marki ugu horeysay oo maxkamad ku taala gobolada Puntland la horkeeno dhalinyaro ku eedeysan in ay qayb ka yihiin ururka Al-Shabaab oo ka mid ah ururada ka dagaalama koonfurta wadanka Soomaaliya.

 

Horseed Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

1.Deeq yaasiin oo dhalinyaradaasi ka mid ahaa kuna eedeeysnaa in uu isqarxinta iyo dilka u u qaabilsanaa ayaa gudoomiyuhu u sheegay in ay maxkamadu ku xukuntay 10-sano oo xarig ah.

 

2.Ibraahim Maxamed 10-sano oo xarig ah.

 

3.Maxamed C/risaaq 10-sano oo xarig ah.

 

4.Maxamed Siciid 10-sano oo xarig ah.

 

5.Cali Axmed Xassan (Gacmeey) oo ka mid ahaa macalimiinta wax ka dhigaysay dugsiga sare ee Xamdaan ee Bosaaso kana mid ahaa eedeysanayaashaasi oo la sheegay in uu u qaabilsanaa kooxdaasi dhinaca wacyi galinta sida u maxkamadu u sheegay mid ka mid ah ragi qirtay eedaasi loo soo jeediyey waloow u beeniyey Macalinku,Maxkamadu ayaa ku xukuntay 10 sano oo xarig ah macalinkaas.

 

6.Maxamed Samatar oo ah eedeeysanaha lixaad ayaa gudoomiyuhu u sheegay in maxkamadu ay ku wayday wax dambi ah,waxaana lagu dhaariyay gudaha maxkamada iyadoo markii dhaartu ay dhamaatayna la sii daayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this