Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Yemen Closed Its Embassy in Muqdisho

Recommended Posts

Safaaradii Dawladda Yemen ay ku lahayd magaalada Muqdisho ee dalka Somalia ayaa irdaha loo xidhay sida uu sheegay afhayeen ka tirsan safaaraddaas.

 

Xidhitaanka safaaradda Yemen ee Muqdisho ayaa yimid maalinimadii Arbacadii markii ay kooxaha ka soo horjeeda dawladda Mbagathi ay weerar ku qaadeen xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia halkaasi oo fadhi u ah Cabdillaahi Yuusuf Axmed, isla markaana ay safaaradda Yemen-na jaar la tahay.

 

Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Mbagathi iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan Somalia ayaa la sheegay inay madaafiic iyo hoobiyeyaal dhowr ah ku tuureen xarunta Safaaradda Yemen oo markaasi ay ku sugnaayeen shaqaalaheedii.

 

Afhayeenka safaaradda Yemen ee Muqdisho oo ka gaabsadey in magaciisa la xigto ayaa sheegay in shaqaalahooda ay ku wargeliyeen in safaarada ay ka baxaan oo aanay safaaradda iman illaa wakhti dambe, isagoo sidoo kalena sheegay in Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Yemen ay ku soo wargelisey in safaarada si ku-meel-gaadh ah loo xidho.

 

"Waxaa na haystay dhibaatooyin ammaan-daro oo ka jira Muqdisho, waxaana na soo gaadhay hanjabaado iyo caga-jugleyn nagaga imanaysay kooxaha ka dagaalamaya Muqdisho, safaaradduna waxay xidhnaanaysaa illaa iyo inta aanu war kale ka helayno qaybtayada noo qaabilsan ammaanka" ayuu yidhi afhayeenka Safaaradda Yemen oo codsaday in aan la magacaabin sababo ammaan awgood.

 

Saraakiil ka tirsan dawladda Mbagathi oo jooga Muqdisho ayaa iyaguna sheegay inaanay ogeyn wax dhibaato ah oo ammaanka ku saabsan oo ku khasbi kara in safaaradda la xidho.

 

Safaarada Yemen ee Muqdisho waxay ka mid ahayd safaarado faro ku tiris ah oo ka hawlgalayey Muqdisho tan iyo intii ay dawladda Mbagathi fadhiisinka ka dhigatey Muqdisho, lamana ogga xilliga ay masuuliyiinta Yemen dib u hawlgelin doonaan safaaradii ay ku lahaayeen magaalada dagaalada hoyga u noqotay ee Muqdisho.

 

Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Mbagathi iyo ciidamada Itoobiyaanka ee Somalia ku sugan ayaa inta badan weeraro la beegsada dhismayaasha iyo shakhsiyaadka dawladda iyo kuwa ajnabiga ee ku sugan meelo Somalia ka mid ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this