Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Breaking News: Fighting in Bosaso

Recommended Posts

Rasaas aad u xoog badan ayaa hadeer ka socota gudaha magaalada Boosaaso ee Maamul goboleedka Puntland taas oo si weyn looga dareemaya guud ahaan magaalada ….

 

 

Rasaasta ayaa bilaabatay ka dib markii ciidamada Booliisku isku wareejiyeen guri ku yaala dhinaca bari ee magaalada boosaaso halkaas oo la sheegay inuu ku jiro mid ka mid ah afduubayaashii shaqaalaha hay’ada MSF spian , waxaana booliiska dagaal kala horyimid maleeshiyo beeleed ay isku hayb yihiin ninka booliisku doonayaan..

 

 

 

Afhayeen u hadlay ciidamada Booliiska Puntland ayaa sheegay inay garaaci doonaan gurigaasi hadii aysan isa soo dhiibin maleeshiyada ku jirta guriga . ciidamada Booliiska Puntland ayaa ku gacan saydhay saaka waxgarad isku deyey inay habnabad gelyo xaalada ku dhameeyaan ka hor intii aanay xabadu bilaaban .

 

 

 

Dhaawacyo aanan wali tiradooda la ogaan ayaa la keenay cusbataalka magaalada Boosaaso mana jiraan ilaa hada wax dhimasho ah oo la soo sheegay wallow xabadu socoto oo ay adagtahay in la ogaado dhimashadu inta ay tahay ..

 

 

 

Magaalada boosaaso ayaa beryahan noqotay magaalada ugu amaanka xun dowlad goboleedka Puntland taas oo dadka boosaaso ay u sababeeyeen maamul xumida xukuumada Gen: Cadde Muuse oo hada umuuqata mid gees martay dhamaanba waxyaalihii ay shiicibka Puntland u doorteen oo ay ugu horaysay waxka qabashada Amaan xumda gobolada Puntland iyo sugida xuduudaha Beelaha Puntland ..

 

afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

UPDATE

 

 

Sidaanhore idiinku soo gudbinay dagaal aad u xoog badan ayaa saaka ka bilowday magaalada xeebta ah ee boosaaso dagaal kaas oo aanu goor dhowayd helnay tirade dhimashada iyo dhaawaca uu gaystay ...............

 

 

Dagaalka Saaka oo bilowday ka dib markii ciiidamada Booliiska Puntland ay weerareen guri ay ku jireen koox saraakiisha booliisku ku sheegeen inay ka danbaysay afduubyada isdaba jooga ah ee ka dhacay Puntland ayaa sababay dhimashada 2 askari oo ka tirsan ciidamada Booliiska iyo 1 qof oo ka tirsan maleeshiyada ka soo horjeeday, sidoo kale waxaa dagaalkaasi naftiisa ku waayey hal qof oo rayid ah..

 

 

 

Dagaalka Saaka ka dhacay boosaaso ayaa waxaa ku dhaawacmay inta ilaa hada la og yahay 5 qof oo rayid ah kuwaas oo dhamaantood la dhigay cusbataalka magaalada Boosaaso , dhaawacyada qaarkood ayaa lagu soo waramayaa inay culusyihiin,..

 

 

 

Dhinacakale waxaa hada ka socda magaalada boosaaso Mudaharaad rabshado wata oo lagaga soo horjeeda xukuumada Madaxwayne Cadde muuse ,rabshadahaas oo sababay in dab la qabadsiiyo gaadhi Tikniko ah oo ay leeyihiin ciidamada booliiska dowlad goboledka Puntland kaas oo taayir ka banjaray kadibna ay gubeen dadwayne cadhaysan ..

 

 

 

Dagaalka ayaa hada joogsaday wallow rasaas goos goosa ay ka dhacaysa daafaha magaalada , guud ahaan xaalada magaalada Boosaaso ayaa kacsan waxaana is taagay dhaqdhaqaaqa ganacsiga saaka qaarkii markii uu dagaalku bilowday waxaase dib loo furay salaada duhur ka dib .

 

 

 

Afnugaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso(AllPuntland)- Ciidamada dowlad Puntland ayaa saaka weerar xoogan waxa ay ku qaadeen sida ay wararku sheegayaan Guri kuyaala Bartamaha Magaalada Boosaaso ,isagoo gurigaasi looga shakisanaa in ay ku jiraan xubno ka mid ah Kooxihii dhawaan Afduubtay Shaqaale Samafal ahaa.

 

Ciidamada amaanka ayaa la kulmay Iskacaabin xoog leh ayadoo wali ay Magaalada ka socoto rasaas laga maqlayo guud ahaan Magaalada Boosaaso ,inkastoo ay soo baxayaan Khasaarooyin ay geysteen dagaaladaasi ,kana danbeysay markii ay rasaasta aad ukululaatey.

 

Warar Madax banaan oo laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ay ciidamada amaanka halkaasi hada ka bilaabeen uadeegsiga qoryaha gaadiidka dagaalka saaran ,ayadoo ay dhawaacmeen qaar ka mid ah ciidamada amaanka ee xukuumada Puntland.

 

Wararku waxa ay sheegayaan in ay ciidamada amaanka hada ,goobta aad isugutageen walina ay dhaceyso rasaasta ka dhacaysa qoryaha waa weyn,balse dadka deegaanka ayaa ka gaabsanaya in ay tafaasiil dheeraad ah ka bixiyaan waxyaabaha sababay dagaalada ka dhacaya maanta Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka socda Booliska Puntland ayaa saakey isku gadaamey gurri magaalada Bosaso kaga yaala xaafada Biyo-kulule halkaas oo lagu sheegey in ay ku sugan yihiin kooxo lagu sheegey in ay ka tiran yihiin burcadii dhowaan afduubyada kala duwan ka gaysatey magaalada Bosaso.

 

Wararka ka imaanaya goobtaas oo weli hordhac ayaa xusaya in ciidanka Boolisku uu halkas kala kulmey iska caabin xoogan kadib markii kooxihii lagu tuhmayey afdubyada Bosaso ka dhacey tageero ka heleen shacabkii ku nolaa xafada Biyo-kulule.

 

Xaafada Biyo-Kulule oo ku taal barriga magaalada Bosaso ayaa waxaa dadweynaha daga ku gooyeen dhagxaan wadooyinka soo gala dhamaantood.

 

Wararka ayaa shegaya in ciidanka Boliska dib uga soo gurteen xaafadas iyo saldhigka Booliska Biyo-kulule iyada oo rasaastu hada qabowdey.

 

Ciiadamada Booliska ayaa la filayaa in rogaal celis dib ugu noqodaan xaafdaas iyada oo warar Garowe Online heleyso xusayaan in ciidamo xoojin ah laga keeney dekada, saldhigayada kale ee magaalada iyo garoonka diyaaradaha Bosaso.

 

Xogogaal GO la hadashay ayaa sheegey in ay jirto cabsi ah in dagaalku noqdo mid beleed madama kooxaha fal dambeeyada ka geysta Somalia tageero ka helaan qabaa'ilkooda.

 

Khasaaraha ayaa ilaa hadda lagu sheegayaa in sadex qof ka dhimatey kooxihii rasasta kala horyimid Booliska Puntland halka ciidamada amaanka ka dhaawacmeen shan qof kuwaas oo hada lagu daaweynayo Isbitalada.

 

Wax war ah weli kama soo bixin ciidanka Booliska Puntland iyo madaxda sare ee maamulka iyada oo hada socdaan rasaas goos goos ah.

 

Maamul goboleedka Puntland ayaa saxaafada xorta ah iyo dadweynaha Puntland horey ugu eedeeyeen sida aysan talaabo uga qaadin kooxaha afduubka ka geysanaya berriga iyo badda gobolkaas.

 

 

garoweonline

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hal qof ayaa ku dhintay Toban kalena waa ay ku dhaawacmeen markii maanta dagaal culus oo la isku adeegsaday qoryaha waaweyn iyo kuwa yar yar uu ka dhacay magaalada Boosaaso, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada booliiska iyo kooxo maliishiyo beeleed ah.

Iska hor imaadka ayaa dhacay markii saaka waaberigii ay ciidamada booliiska hareeyeen guri ku yaala magaalada Boosaaso, la tuhunsanaa inay ku jiraan koox ka danbeysay afduub dhawaan ka dhacay magaaladaasi.

 

Dagaalka oo socda muddo saacado ah ayaa lagu waramayaa inuu saameeyay magaalada Boosaaso, gaar ahaan waddooyinka iyo goobaha ganacsiga oo albaabada loo laabay.

 

Qofka dhintay ayaa ka tirsanaa dhinaca maliishiyada, iyadoo ay afar kale ay ka dhaawacmeen, halka dhinaca booliiskana laga dhaawacay lix qofood.

 

 

BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

disappointing news, as one of the beacons of light in somalia is also brought into the turmoil. hopefully this is resolved soon and hopefully this has no negative impact on the innocent people of bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Ok Ok we get it already....Puntland BAD, Somaliland GOOD. "ALL" Lascaanod Government offices open NO pics of all of them! Berbera Elects New Mayor again no pics! Riyaale's arrival at Heathrow and given "usual protocol for visiting dignitaries" with the exception of NO Pics! Whatever makes you sleep good and night I guess. Keep going on anti- Puntland websites, the same sites that you laugh at and call clan sites, keeps quoting them about the made up turmoil in Puntland. Keep flooding threads with articles of guys living abroad high on khat, claiming this is happening and that is happening! Puntland is going after those responsible for the kidnappings and fighting crime happens all over the world. Just like when Somaliland had their issues with foreigners being executed in their homes.

 

Hopefully. It is the innocent people that suffer a lot.

What's that suppose to mean? typo? Freudian slip?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekadan aqri. Nin lagu xirey waxaad ka timid deegaanka Degmada Galgala. Only to have come from few km away from Boosaaso has become a crime....

 

Cabdi Daahir Qodax, Maxamuud Mayrakale, iyo Axmed Saalax Ceynab oo lagu soo xirey magaalada Boosaaso? Maxay tahay sababta loo xirey?

 

Boosaaso: Magaalada Boosaaso ayaa maalmahan maamulka Puntland wuxuu caadaystey qab qabashada shacabka, muwaadiniinta dalka u dhashay kuwaasoo lagu soo xukumaayay falal aan ku jirin xeerka u dhigan Puntland in ay yihiin xad gudub ama dambi. Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa lasoo xirey wariyeyaal iyagoo ay maxkamada derajada koowaad tilmaami weyday dambiga lagu soo xirey iyo wuxuu yahay dambigaa.

 

Maanta ayaa waxaa irida magaalada Boosaaso lagu xirey 3 dhalinyara ah oo lagu kala magacaabo Cabdi Daahir Qodax, Maxamuud Mayrakale, iyo Axmed Saalax Ceynab iyo gaari ay wateen. Reerkii iyo ehelkii ay ka dhasheen ayaa waxay ku noqotey arin layaable, maadaama ay dhalinyaradaan ku ogayaan kuwa dhibka ka madaxbanaan, markii ay maqleen xariga xariga dhalinyaradaas, durbadiina waxay ku ordeen saldhiga magaalada Boosaaso.

 

Taliyaha saldhiga magaalada Boosaaso ayay waxay weydiiyeen sababta ay ku soo xireen dhalinyaradaa, taliyihii ayaa wuxuu ugu jawaabay “Waxay ka yimaadeen dhanka magaalada Galgala weyna xirnaan doonaan ilaa iyo aan ka cadeyno meeshaas waxay u tageen iyo inay ku lugleeyihiin dhibaatooyin ka dhacay magaalada Boosaaso todobaadyadii lasoo dhaafay”.

 

Booliiska magaalada Boosaaso ma aha markii ugu horeysay todobaadkan in ay xiraan dadka reer Laag iyo Galgala, maalintii talaadada ayaa waxay soo xireen laba dhalinyaro oo kasoo jeeda isla deegaankaas. Iyagoo dambi uga dhigay inay kasoo jeedaan Galgala.

 

Maanta ayaa sidoo kale ciidanka Booliisku wuxuu hareereeyey guri ay ku jiraan dhalinyaro kasoo Jeeda Waaciya, kuwaasoo ay ku eedeeyeen waxay ka dambeeyeen falal ka dhacay magaalada Boosaaso.

 

Arintan ayaa waxay dad badan ku fasireen Booliiska oo aan mishahar la siinin waqti dheer ayaa ku doonaaya inay khalkhal galiyaan shacabka reer Boosaaso, iyadoo haatan amaanka magaalada Boosaaso uu kasii darayo.

 

Maxamed Faarax

Boosaaso

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Security operation, it happens everywhere... not a big deal... no clans fighting, only a bunch of criminals rounded by the police... very Simple

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalipride, take it easy Puntland is stable enough to take care of these setbacks. It is time that Puntland shows that it takes seriously the safety of aid workers. All the people in Bosaso agreed to get these criminal kidnappers. The people who are guilty are known and will be brought to justice and no amount of excuse will be tolerated, Kapish.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalipride, i'm sorry if i touched your nerves :D

 

 

I really didn't know Allpuntland, Garoweonline and the BBC are Anti-puntland and report such incidents but well, they did and too bad you can't stop them doing it. Those are my sources sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this