Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay qorshaha muddo kororsi ee hay’adaha dowladda federalka

Recommended Posts

Deeq A.   
347418128_1224736098191839_6174062180984

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga ka talo-bixinta wax ka bedelka mudo-xileedka Labada Aqal ee BF iyo Madaxweynaha ee qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka KMG ah ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kulan uu shir-guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulankan ayaa waxa uu guddiga ka talo-bixinta wax ka bedelka mudo-xileedka Labada Aqal ee BF iyo Madaxweynaha la yeeshay guddiga madaxa-banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka KMG ah.

Guddigan ayaa xog-wareysi ku saabsan waxqabadkooda la yeeshay guddiga madaxa-banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka KMG, iyada oo intaasi kadibna ay guddiga weydiiyeen su’aalo ku saabsan warbixintooda.

Guddiga ka talo-bixinta wax ka bedelka mudo-xileedka Labada Aqal ee BF iyo Madaxweynaha ayaa ugu mahad-celiyey xubnaha ka socday guddiga madaxa-banaan warbixintooda wanaagsaneyd ee ay siiyeen guddigooda.

Kulankaan ayaa qeyb ka dadaalka uu guddiga wax bedelka muddo xileedka Labada Aqal ee BF ugu jiro sidii hawlaha guddiga uu u xilsaaray Baarlamaanka uu ugu noqdo dhameystir, maadaama la doonayo in golaha la horgeeyo kalfadhiga 3-aad ee golayaasha.

Qorshaha guddigan lagu magacaabay ayaa waxaa hore uga dhashay dood xoogan iyo falcelin, kaasi oo lagu tilmaamay muddo kororsi ay waddo dowladda federaalka, oo lagu karkarinayo Baarlamaanka, si wax ka beddal loogu sameeyo muddo xileedka hay’adaha dowladda.

Qodobka ugu weyn ee doodda dhaliyay ayaa ah in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya laga dhigo shan sano, halka markii hore uu ahaa afar sano.

Si kastaba, Arrintan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay xubnaha mucaaradka oo ka digay in haatan lagu dhaqaaqo muddo kororsi horleh, ayada oo aysan jirin sababo keeni karo.

347243057_1565673377252531_1844701322561 347229666_215761991246687_78277867346969 347437778_936294480955794_63457298335027 347418128_1224736098191839_6174062180984 347232013_669680991569574_47422974447299 347400005_212973768194774_89449520187448 347238098_1065363134424740_3867382004499 347406864_1306840029867832_9336845596964

The post Wararkii ugu dambeeyay qorshaha muddo kororsi ee hay’adaha dowladda federalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this