Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad baxyo ka dhacay gobolka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Kumanaan kun oo qof oo ku nool gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa dhigay mudaaharaad ay ku dalbanayaan in dib u deji loo oggolaado dadkii ka qaxay dagaalkii labadii sano ee la soo dhaafay.

Heshiis nabadeed bishii Nofembar ayaa soo afjaray dagaalkii u dhexeeyay ciidamada dawladda iyo fallaagada Tigrayga.

Hase yeeshee muran dhuleed oo in muddo ah soo jiitamayay isla markaana u dhexeeyay Tigreega iyo Axmaarada, kaas oo ay colaadda uga sii dartay, ayaa la xalin waayay.

Qoomiyada Tigreega ayaa sheegay in joogitaanka saraakiisha Axmaarada ay ka hor istaagayso in ay ku laabtaan guryahoodii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this