Sign in to follow this  
Deeq A.

Ex-wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay Xadhiga Weriye Hargeysa lagu xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   
Waxaan canbaaraynayaa xadhiga loo geystay saxafiyadda calanka ah, ee Bushaaro Cali Maxamed Diiriye, oo ku magac dheer (Bushaaro Cali Baande). Suxufiyad Bushaaro, waxaa xabsiga loo taxaabay, iyada oo aan xadhigeeda loo marin dariiq sharci (waaran la’aan ama ogolaansho la’aan maxkamadeed). Waxaanay haatan la’dahay xoriyadeedii iyo xuquuqdeedii muwaadinimo muddo dhan hal usbuuc.
Hab-dhaqankani wuxuu ka markhaati kacayaa, sida ay xukuumaddu ugu xadgudbayso xuquuqda iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan saxaafadda madaxa banaan. Mana aha markii ugu horaysay ee dad suxufiyiin ah lagu xidho aragtidooda xorta ah, balse waa mid ay dawladda madaxweyne Muuse caadeysatay, isla markaana curfi ka dhigatay.
Cabudhin, cagajugleyn, ka cad-goosi iyo cadaalad darro waa cuduradii iyo calaamadihii ay ummadani ka soo dagaalantay. Mana aha mid cidna laga aqbali karo horeyso iyo dambayso.
Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa xukuumadda in sida ugu dhakhsaha badan, xoriyadeeda loogu soo celiyo suxufidda.
Maxamuud Xaashi.
347140594_1280670622540470_2291564121741
348558318_633417798317995_29346208772832

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this