Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogtii u danbaysay ee xiisadda ka taagan doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida aan ka xaqiijinay xubno ka tirsan dhinacyada muransan, weli laguma guulaysan xallinta xiisadda la xiriirta doorashooyinka qof iyo cod ee ka taagan Garoowe.

Ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah, ee raba in ay joojiyaan doorashooyinka ayaa sida la xaqiijinayo jihooyin kala duwan kaga sugan caasimadda Garoowe.

Sanaadiiqda cod-bixinta degmooyin ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale ku xanniban Garoowe, kadib markii ciidamada taabacsan mucaaradka ay xirteen jidadka ka baxa magaalada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay weli socdaan wada-hadallo lagu xallinayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan barnaamijka qof iyo cod, inkastoo aan ilaa iyo hadda wax heshiis ah laga gaarin murankaas.

Dhinaca kale, Madasha siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa war-murtiyeed ay maanta soo saareen mar kale ka digay in xiisadda taagan ay isu rogto dagaal hubaysan, waxaana ku baaqeen in wada-hadal lagu xalliyo.

PUNTLAND POST

The post Xogtii u danbaysay ee xiisadda ka taagan doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this