Deeq A. Posted May 6, 2023 Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa saaka halka loo yaqaan AMAL ee duleedka Garoowe ka dhagax dhigay dhismaha jidka Garoowe iyo Garacad. Jidkaan oo sida la sheegayo dowladdu maalgelinayso ayaa wejiga kowaad la dhisaya inta u dhexaysa Garoowe iyo Jarriiban oo lagu qiyaasay 165km. Wadadan ayaa inta badan marta dhulka hawdka ah ee gobolka Nugaal waxaana ay ku xirtaa degaannada bari ee gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa intaas kadib safar hal maalin ah ugu baxay degaannada Awrculus iyo Yoombays oo ka tirsan degmada Garoowe. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay jidka Garoowe iyo Garacad appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites