Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo dhawaan qorshaynaya in ay ansixiyaan wax ka beddelka Dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamanka Puntland ayaa qorshaynaya in ay dhowaan isugu yimaadan fadhi aan caadi ahayn si ay u ansixiyaan wax ka beddelka Dastuurka.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in xildhibaannada Baarlamanka ay isu diyaarinayaan fadhi aan caadi ahayn oo lagu ansixinayo wax ka beddelka Dastuurka Puntland.

Golaha xukuumadda Puntland ayaa xalay ansixiyay soojeedin ku saabsan in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka Puntland gaar ahaan qodobka 46-aad si loo kordhiyo xisbiyada ka soo baxaya doorashada qof iyo cod.

“Goluhu wuxuu soo jeediyay in laga dhigo xisbiyada siyaasadda 5 xisbi halka ay awal aheyd 3 Xisbi, waxaana soojeedintaas oo si aqlabiyad leh goluhu u ansixiyey loo gudbinaya golaha wakiillada dowladda Puntland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkii caawa ee wasiirada Puntland.

Qodobka 46 ee la soo jeediyay in isbeddel lagu sameeyo ayaa markii hore qeexayay in saddexda urur siyaasadeed ee ugu cod bata doorashooyinka qof iyo cod ee golayaasha degaanka Puntland ay noqdaan saddex xisbi siyaasadeed oo rasmi ah.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo dhawaan qorshaynaya in ay ansixiyaan wax ka beddelka Dastuurka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this