Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Khilaaf xooggan oo ka dhex aloosan madaxweyne Deni iyo wasiir Juxaa

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230504_134143274-1.jpg?resize=7

Khilaaf xooggan ayaa sida wararku sheegayaan ka dhex aloosan madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxaa.

Wasiir Juxaa ayaa ka horyimid qorshe uu madaxweyne Deni ku raadinayo in uu wax ka beddel ku sameeyo Dastuurka si loo kordhiyo tirada xisbiyada rasmiga ah ee ka soo baxaya barnaamijka qof iyo cod.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale isu diyaarinaya in uu xilka qaadis kaga jawaabo diidmada wasiir Juxa ka muujiyay wax ka beddelka Dastuurka.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Siciid Deni uu maalmaha soo socda xilka qaadis ku samaynayo wasiir Juxa islamarkaana booskiisa u magacaabayo Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

PUNTLAND POST

The post Xog: Khilaaf xooggan oo ka dhex aloosan madaxweyne Deni iyo wasiir Juxaa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this