Sign in to follow this  
Deeq A.

KULMIYE Ma Sama Tabixiye Siyaasaddeed Ayuu Raadinayaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa bishan aynu ku jirno 23-keeda, 21 jirsanaya, ayaa u muuqata in 21 sanno oo uu ku soo qaatay Mucaaradnimo iyo muxaafidnimo inuu wajahayo ruxan siyaasaddeed oo la xidhiidha mustaqbalkiisa, ka dib markii masuul ka tirsan Xisbigaasi oo ka mid ah guddida fulinta ee Kulmiye oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, uu daboolka ka qaaday qorshe ay wadaan oo ay ku doonayaan in Xisbigaas la keeno Cabdikariim Axmed Mooge, oo ah Maayarka caasimadda Hargeysa, kana soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.
Hadalkan ka soo baxay masuulka Kulmiye, ayaa bannaanka u soo saaray warar toddobaadyadii u dambeeyey suuqa ku jiray oo la xidhiidha in Cabdikariim Axmed Mooge looga gacan haadinayo Kulmiye, taas oo taageerayaasha Kulmiye ay baraha bulshada soo dhigayeen maalmihii u dambeeyey.
Hadalkan Cabdiraxman dheere, ayaa xaqiijinaya qorshe la weriyey in masuuliyiin Kulmiye ah oo xilal haya su’aalo ay iska weydiiyeen mustaqbalka Kulmiye in ay Mr. Mooge isu tuseen inuu noqon karo sama tabixiye siyaasaddeed oo wax ka tari kara xaaladda Kulmiye ee wakhtigan, oo ah mid ku jira hubin la’aan hoggaaneed iyo mid murrashaxba, xilli la isu diyaarinayo doorashooyinka Ururrada iyo Madaxtooyada.
Xisbiga Kulmiye oo muddo laba xilli oo isku xigta ku guuleystay kursiga dalka looga arrimiyo, ayaa u muuqata in qorshihiisa saddexaad ee doorashada soo socota inuu mugdi soo wajahay, taas oo loo sibirsaanayo qoddob dhawr ah oo ay ka mid yihiin, Istiraajiyad la’aan la xidhiidhay dhismaha Xisbiga ee wixii ka dambeeyey 2017-kii, rag ka mid ahaa aasaaseyaashii iyo kaadiriyiintii Kulmiye oo Xisbigaas kuwona laga saaray qaarna iska tegeen, saameynta furistii Ururrada Siyaasaddu ku yeelatay, guul daradii ka soo gaadhay doorashooyinkii isku sidkanaa ee keenay in lagaga guuleysto shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo inta badan Maayarada Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyo weliba guddoomiyaha Xisbiga iyo Murrashax Xisbigaas oo aan ilaa imika la ogeyn, waxa ay keentay cadaadis siyaasaddeed oo Kulmiye saaran, waana halka ay hoggaanka xisbigaasi ku khasbaysa in ay raadinayan ama ka fikiraan habkii ay uga sama tabixi lahaayeen duruufaha ku gedaaman wakhtigan.

Cabdikariim Axmed Mooge, ma noqon karaa sama tabixiye Kulmiye.?

Mr. Mooge, waa mid ka mid ah siyaasiyiinta, wakhtigan ugu saameynta badan Somaliland iyo Somaalidaba, haddii aanu ahayn hormuudka jiilka cusub ee saxaadda Siyaasadda Somaliland ku jira imika, waa Xildhibaan 26000 qof Xildhibaanimo ugu codeeyeen, waana nin ku guuleystay wejigii hore ee sababihii uu u soo galay saaxadda siyaasadda Somaliland oo ah inuu noqdo Mayaarka Caasimadda, oo ah meel uu is tusay inuu ka sii kori karo kursiga dalka u sarreeya.
Jidkan wuu hayaa, oo muddo ka yar laba sanno, waxa uu ka dhabeeyey waxyaabihii loogu codeeyey, waxaanu kasbay kumanaan kale oo aan u codeyn markii hore ama kuwo meelo kale oo aan caasimadda ahayn ku noolaa.
Haddii aynu ku noqono su’aasha Cabdikariim Axmed Mooge ma noqon karaa sama tabixiye Kulmiye, waa jid ay qodox badan ka sokeeyaan, waa mid u baahan inta aan su’aashan laga jawaabin in la helo jawaabaha su’aalahan, Kulmiye muxuu u hayaa Mooge ma Murrashax Kulmiye oo ah doorashada soo socota?, ma in Kulmiye magac ahaan la wareego, oo shuruuda ku xidhana tahay inuu marka hore dhiso Madaxweynaha imika talada haya, su’aalahan waa kuwa furaha u noqon kara mustaqbalka Kulmiye iyo Mooge.
Cabdikariim Axmed Mooge, inta la ogyahay ilaa imika waa masuul ku jira dhismaha Caasimadda iyo waxqabadkeeda, si ay ugu fududaato in uu si sahlan ku gaadho kursiga u sarreeya dalka, waana mid uu ilaa imika isku dayayo inuu ka shaqeeyo inuu uu diirada u saari lahaa hawlaha loo doortay iyo shaqada caasimadda.
Haddana, tani maaha mid meesha ka saaraysa u qalab qaadashada mustaqbalkiisa siyaasaddeed, waana ta dadka siyaasadda odorosaa leeyihiin Kulmiye haddii loo soo bandhigo sabab uu ku diidaa ma jirto, madaama oo uu mustaqbal iyo han leeyahay, balse duruufaha ku xeeran qaabka uu uga dabaalan karo ay u baahan tahay xikmad iyo xeelad siyaasaddeed oo isku waafajiyo shaqada uu imika hayo, ta mustaqbalkiisa iyo weliba ta deegaankiisa ee wakhtigan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this