Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Taageerada Ciidan ee uu ka dalbaday dalalka deriska ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1682992020336.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan su’aalo lagu weydiiyay ku qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo uu uga hadlay qodobo dhowr ah oo la xiriiray waxa u qabsoomay dowladdiisa sannadkii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa su’aalo dhowr ah laga wediiyay arrimo ay ka mid ahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, deyn cafiska, dhammeystirka dastuurka, doorashada 2026, ciidamada safka hore iyo maqaamka iyo amniga caasimadda, kuwaaas oo ka mid ah ballan qaadyadii uu sameeyay xilligii uu ku jira ololahiisii dib u soo noqoshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa difaacay taageerada ciidan ee uu ka dalbaday dalalka deriska ah ee safka hore, kuwaas oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya, iyo Jabuuti, kuwaas oo uu sheegay inay qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in talada iyo go’aannada hawlgalkaas ay leeyihiin taliska ciidanka xoogga dalka iyo dowlada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in wadashaqaynta dalalka safka hore ay ku koobnaan doonto 90 maalmood.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Taageerada Ciidan ee uu ka dalbaday dalalka deriska ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this