Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay tirada Soomaalida laga soo badbaadiyey dagaalka ka socda SUDAN

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ku dhawaad 1,500 oo muwaadin laga soo saaray dalka Sudan kadib markii ay sii xumaatay xiisadda dagaal ee halkaasi ka taagan.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas.

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliy ee Sudan Axmed Cabdi Xasan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inuu weli socdo dadaallada lagu soo daabulayo muwaadiniinta, ayna samata-bixintooda si weyn iskaga kaashanayaan safaaradaha dalalka deriska ah.

“Waxaa lagu guuleystay dowladdaha deriska ah inay xiriiro la sameyso oo ogolaadan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee waddanka Sudan kasoo cararaya u ogolaadan inay waddankooda u furaan. Dadka u badan waxay u socdaan dhanka Ethiopia,” ayuu yiri.

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Sudan oo xilligaan ku sugan dhanka Xadka, si uu muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu fududeeyo wixii dukumenti ah ee ka caawinaya ka bixitaanka Sudan, ayaa waxa uu markale ku celiyay in dowladda diyaar u tahay in dadka weli ku go’doonsan gudaha Sudan inay ka saarto.

“Shaqada meel fiican ayay mareysa oo dadkii intii bixi karta ay baxeen, inta gobollada qaar ku go’doonson ee raba inay baxaan waxaa diyaar u nahay in aan ka saacidno wixii dukumenti ah, kana saarno Sudan.”

“Sudan tan iyo 2019-kii waxaa hoos u dhaceysay ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u tageysay Sudan. Marka waxaa mooda in ardayda iyo tirada dadka Soomaaliyeed ee dalka Sudan ay soo yaraanayeen, marka qiyaasta waa ku dhawaad laba kun oo arday ah wax ka baranayeen Sudan. Jaaliyad muddo dheer iskaga nooleyd oo ka shaqeysata ay ku nooleyd waddanka.”

Xabbad-joojinta iyo dadaallada kala duwan ee wada-hadal lagu abaaburayo ayaa niyad wanaag u sameysay dadka ku dhibaateysan dalka Sudan, si ay u qiimeeyaan isbaddalka ka dhici kara haddii aanay dagaal dib u billaaban.

Ajaanibtii ugu badneyd ayaa laga daad-gureeyay Sudan, gaar ahaan magaalada Khartuum, dadka isaga tagaya dalkaas ee laga soo saarayo ayaa waxaa kamid ah muwaadiniin Soomaaliyeed, inkasta oo ay weli ay jiraan qaar ku go’doonsan meelo kala duwan.

Si kastaba, Sudan ayaa hadda dhan weliba ka xayiran, waxaana weli is-horfadhiya dhinacyadii dagaalamay, inkasta oo meelaha qaar laga soo warinayo isku dhacyo ciidan oo aan badneen.

The post DF oo shaacisay tirada Soomaalida laga soo badbaadiyey dagaalka ka socda SUDAN appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this