Sign in to follow this  
NASSIR

The devout welcoming of the new prime minister in Mogadisho.

Recommended Posts

NASSIR   

Magacaabista Ra’isul-Wasaaraha Cusub, oo siheer sare ah looga soo dhaweeyey Muqdisho

 

 

 

Muqdishu, Khamiis, 04-Nov’04

 

 

 

Isla markii Fiidnimaddii Xalay ay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC- du shaacisay in Prof. Cali Maxamed Geeddi loo doortay Ra’isul-Wasaaraha Cusub ee Dowladda Federalka ee Dalka Somalia, ayaa waxaa Damaashaad iyo Dabrid farxadeed laga dareemay inta badan Magaalladdan Muqdisho.

 

 

 

Gugaca Roobka iyo Dayaanka Sawaariikhda, ayeyna Reer Muqdisho fiidnimad- dii xalay kala garan waayeen, markii ay labadaa shanqar mar is-qabsadeen, iyadoo Dabridkaasi loo adeegsaday qoryaha fudud, Sawaariikhda Lidka Diyaaradaha ee Zuu-ga iyo Tarante Sataha.

 

 

 

Damaashaadka ugu badan, ayaa waxay ka dhacayeen Degmooyinka Wardhiig- ley,Boondheere,Yaaqshiid, Shibis, C/Casiis, Kaaraan ilaa iyo Dekeddaha Macmalka ee Ceel-Cadde iyo Ceel-Macaan, waxayna dabaaldegyaddu meelaha qaarkood ka socdeen ilaa iyo Xilligii dambe ee Saxuurta.

 

 

 

Qoysas badan, oo aanan Idaacadaha ka dhegeysanin Magacaabista Ra’isul-Wa- saaraha, ayaa waxay iyagoo anfariirsan ka soo baxeen guryahooda, kadib, markii ay maqleen Qeylo-dhaanta dadkii u damaashaadayey Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Dayaanka Madaafiicda cirka iyo badda loo ganayey.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee, Dabaaldeggii Xalay lagu soo dhaweeyey Ra’isul-Wasaare Prof. Geeddi, waxay noqotay Damaashaadkii ugu ballaarnaa ee laga dareemo Magaalladda Muqdisho tan iyo markii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed loo doortay Xilkaasi.

 

 

 

Xeeldheerayaasha, ayaa rumeysan inuu Ra’isul-Wasaaraha Cusub aqlabiyad ahaan Madaxweynaha kaga sarreeyo Taageeradda Shacbiga Muqdisho, waxaana la wada og yahay, markii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf la doortay inaysan Reer Muqdisho ku soo dhaweynin Caleemo Qoyan iyo Dabaaldegyo Dabrid watay.

 

 

 

WQ. Nuradin Abokor Axmed “Diini-Yare†nuradinhaji@hotmail.com

 

diniyare55@hotmail.com

 

Mudulood.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this