NASSIR Posted November 5, 2004 Magacaabista Ra’isul-Wasaaraha Cusub, oo siheer sare ah looga soo dhaweeyey Muqdisho    Muqdishu, Khamiis, 04-Nov’04    Isla markii Fiidnimaddii Xalay ay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC- du shaacisay in Prof. Cali Maxamed Geeddi loo doortay Ra’isul-Wasaaraha Cusub ee Dowladda Federalka ee Dalka Somalia, ayaa waxaa Damaashaad iyo Dabrid farxadeed laga dareemay inta badan Magaalladdan Muqdisho.    Gugaca Roobka iyo Dayaanka Sawaariikhda, ayeyna Reer Muqdisho fiidnimad- dii xalay kala garan waayeen, markii ay labadaa shanqar mar is-qabsadeen, iyadoo Dabridkaasi loo adeegsaday qoryaha fudud, Sawaariikhda Lidka Diyaaradaha ee Zuu-ga iyo Tarante Sataha.    Damaashaadka ugu badan, ayaa waxay ka dhacayeen Degmooyinka Wardhiig- ley,Boondheere,Yaaqshiid, Shibis, C/Casiis, Kaaraan ilaa iyo Dekeddaha Macmalka ee Ceel-Cadde iyo Ceel-Macaan, waxayna dabaaldegyaddu meelaha qaarkood ka socdeen ilaa iyo Xilligii dambe ee Saxuurta.    Qoysas badan, oo aanan Idaacadaha ka dhegeysanin Magacaabista Ra’isul-Wa- saaraha, ayaa waxay iyagoo anfariirsan ka soo baxeen guryahooda, kadib, markii ay maqleen Qeylo-dhaanta dadkii u damaashaadayey Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Dayaanka Madaafiicda cirka iyo badda loo ganayey.    Si kastaba ha ahaatee, Dabaaldeggii Xalay lagu soo dhaweeyey Ra’isul-Wasaare Prof. Geeddi, waxay noqotay Damaashaadkii ugu ballaarnaa ee laga dareemo Magaalladda Muqdisho tan iyo markii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed loo doortay Xilkaasi.    Xeeldheerayaasha, ayaa rumeysan inuu Ra’isul-Wasaaraha Cusub aqlabiyad ahaan Madaxweynaha kaga sarreeyo Taageeradda Shacbiga Muqdisho, waxaana la wada og yahay, markii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf la doortay inaysan Reer Muqdisho ku soo dhaweynin Caleemo Qoyan iyo Dabaaldegyo Dabrid watay.    WQ. Nuradin Abokor Axmed “Diini-Yare†nuradinhaji@hotmail.com  diniyare55@hotmail.com  Mudulood.com Quote Share this post Link to post Share on other sites