Deeq A. Posted April 18, 2023 Wasaaradda Qorshaynta Puntland ayaa ruqsadii Shaqada kala laabatay Hay’adda Sadar Development And Resilience Institute. Wasaaradda ayaa Hay’addaas ku eedaysay in ay ku xad gudubtay xeerka ururada Samafalka aan dowliga ahayn balse faahfaahin intaa dhaafsiisan ma bixin. Sidoo kale Wasaaradda Qorshaynta Puntland ayaa NGO-yada iyo Hay’adaha ka howla gala gudaha Puntland uga Digtay in ay baal maraan xeerka ururada samafalka aan dowliga ahayn. PUNTLAND POST The post Puntland oo ruqsadii shaqo kala laabatay hay’ad maxalli ah appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites