Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf inspects venue

Recommended Posts

Muqdisho: Madaxweynaha DFKMGS oo booqday xarunta Shirka bari lugu qabanayo.

14. juli 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dawlada Faderaalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu maanta booqday xarunta lugu qabanayo shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

 

Booqashada Madaxweynuhu ku tagay xarunta shirka ayaa waxaa lasheegay in ay ahayd,soo indho indheynta hawlaha ka socda xaruntaasi.

 

Madaxweynaha dawlada Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku waheliyay xubno ka tirsan dawlada Soomaaliya oo ka mid ahaa Madaxa Amniga Qaranka Gen.Max'ed Faarax Darwiish ,waxaana sidoo kale madaxweyne Yuusuf kaga sii horeeyey xarunta gudaheedana ku sugan gudoomiyaha gudiga qabanqaabada Shirweynaha qaranka Cali Mahdi Maxamed.

 

Cali Mahdi oo halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dawlada Soomaaliya ayaa wuxuu ku tilmaamay booqashada Madaxweynaha Soomaaliya in ka dhigan tahay in xarunta shirku tahay mid amaan ah.

 

Xubno Madaxweynaha dawlada Soomaaliya socdaalka ku waheliyay ayaa waxa ay AllPuntland usheegeen in Cali Mahdi uu sheegay in shirku maalinta bari ah uu furmidoono ayna haatan inta badan ergooyinku joogaan caasumada Soomaaliya.

 

Amaanka Xarunta shirka ayaa waxaa sugaya ciidamo kala duwan oo ka kala socda Milateriga DF ee Soomaaliya,Milateriga Itoobiya iyo kuwa Midowga Africa oo dhamaantood bari sugaya amaanka xarunta shirku ku qabsoomayo.

 

Mahan booqashadii ugu horeysay oo uu Madaxweynaha dawlada Faderaalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ku tago xarunta gaadiidka gobalka Banaadir oo ah halka lugu qabanayo shirka dibu heshiisiinta qaranka beelaha Soomaaliyeed.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this