Sign in to follow this  
bambo

Fake President , Prints out counter fit money

Recommended Posts

bambo   

Muqdisho, 17-November-06 Golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay mamnuucista maandooriyaha Qaadka oo dhibaato dhinaca dhaqaalaha ku haya shacabka Soomaaliyeed,ayadoo ganaax lacageed lagu soo rogay cid kasto oo lagu arko ka ganacsiga iyo cunista Qaadka.

 

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si diiran u soo dhaweeyay mamnuucista Qaadka oo gacan ka gaysanaysa sidii shacabka Soomaaliyeed uu uga soo kabsan lahaa dhibaatada dhaqaale ee uu maandooriyahaasi ku haya shacabka danyarta ah.

 

 

Bidix,Axmed Macalin Siqi Mas'uul katirsan maxkamadaha Islaamiga , Guddoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/qaadir Xaaji Abuukar Madaxa waaxda Maaliyada Golaha Maxkamadaha Islaamiga.

 

Guddoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Qaadka iyo dhibaatada uu ku hayo shacabka,dhul boobka lagu hayo hantida guud ee qaranka iyo waliba lacago been abuur ah oo ay dalka soo gelisay dawladda kmg.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo u faahfaahiyay saxaafada 3daasi qodob ayaa sheegay in 23-kii bishan aanu ku jirno ee Hijriyada islaamka oo ku beegan 13-ka bishan November golaha shuurada uu ansixiyay mamnuucista Qaadka,ayadoo lacago ganaax laga qaadi doono cid kasto oo lagu arko Qaadka ayadoo ka ganacsanaysa ama cuneysa.

 

Mar uu ka hadlayay arrimaha dhulka waxa uu sheegay in aan la ogoleyn iibsashada, dhisashada ama gadashada dhulka hantida guud,ayadoo arrimahaasi 8 qodob ay ka soo saareen maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed.

 

Waxa uu sidoo kale ka hadlay lacago been abuur ah oo cadadeeda lagu sheegay 500 oo bilyan oo shilin Soomaali ah oo lagu soo sameeyay wadanka Malesia,kaasoo dawladda kmg ay soo gelisay dalka, isagoo uga digay shacabka lacagahaasi been abuurka ah ee sicir bararka ku keenay ganacsiga dadka.

 

Wareegtooyinkii ka soo baxay golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed iyo documentiyadii ay u soo bandhigeen saxaafada ayaa u qorneyd sida tan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this