Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada DF oo galay hawd ay Al-Shabaab ku dhuumanayeen kadibna…

Recommended Posts

Deeq A.   
339118615_1006874420687437_1053334682361

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kooxd Al-Shabaab ayaa laga xoreeyay goobo dhowr ah oo ay uga dhuumaaleysanayeen dhulka howdka, sida ay goordhoweyd shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB iyo GorGor ayaa saacadihii lasoo dhaafay Shabaab ka xoreeyey goobahaasi ay uga dhuumaaleysanayeen ee dhulka howdka ah oo dhaca bariga gobolka Galgaduud.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay sawirada goobaha la sheegay in laga xoreeyay Al-Shabaab, waana kuwa laga qotay hawdka jiqda ah, halka qaarkood dush sare lagaga daday jiingado.

Maleeshiyaadkii Shabaab-ka ahaa ee ku sugnaa halkaasi ayaa goobta iskaga cararay, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa ciidanka howl-galkaas fuliyay ee DANAB iyo GorGor.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegeen inay sii baacsanayaan firxadka kooxda Al-Shabaab ee isaga carartay goobahaan ay godadka ka qoteen.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli uu socdo diyaar-garowgii u dambeeyay ee wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka safka hore.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore guulo waaweyn uga sheegatay wejiga koowaad ee dagaalka, iyada oo sheegtay in lagu xoreeyay illaa 70 goobo, kuwaasi oo isugu jira deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan, Sh/Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose.

339891732_1154505001907006_1692169347430
340070448_797617558369422_35070621951209
340072923_1269543403915397_1431284050290
339116713_1636912113414089_8070061336790
339920417_242092435010242_39673692458231
339115571_1217180239166226_6791758130168
339118615_1006874420687437_1053334682361

The post Sawirro: Ciidamada DF oo galay hawd ay Al-Shabaab ku dhuumanayeen kadibna… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this